Dalka Myanmar waxaa lagu dilay 6700 oo qof oo Rohingya ah

0
Thursday December 14, 2017 - 08:33:11 in by Burco Office
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Myanmar waxaa lagu dilay 6700 oo qof oo Rohingya ah

    Dalka Myanmar waxaa lagu dilay 6700 oo qof oo Rohingya ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Myanmar waxaa lagu dilay 6700 oo qof oo Rohingya ah

Hey'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa daabacday daraasada lagu sheegay in ku dhawaad 6700 oo ah Muslimiinta laga tirada badanyahaya ee Rohingya lagu dilay intii ay socdeen rabshadaha Myanmar.

Hay'ada u dooda xuquuqda aadanaha ,saxafiyiinka iyo saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa horey u diiwaangaliyay tacadiyo naxdin leh oo ciidamada ammaanka Myanmar ay ka gaysteen gobolka Rakhine,taasi oo ay sheegeen qaxootiga soo gaaray Bangladesh.

Balse daraasadani waa macluumaadkii ugu horreeyay oo faafaahin ka bixinaya qiyaasta tirada dadka Rohingya ee lagu dilay rabshadaha Myanmar.

Rabshadaha Rohingya ayaa ku bilaabmay weeraro ay qaadeen jabhada Rohingya dabayaaqadii bishii August,waxa weeraradani ka dhashay howlgal ay Qaramada midoobe ku tilmaamtay isir sifeyn.

Hay'ada MSF ayaa 6 daraasad ka samaysay xerayaha qaxootiga bishii aanu soo dhaafnay .

Hay'adda ayaa ogaatay dad ku dhintay rabshadaha oo ay caruur ka mid yihiin islamarkana boqolkiiba 70 dadka dhintay ayaa ku dhintay rabshadaha.

Warbixinta imika la soo saaray ayaa miisaan u yeelaysa baaqyada loo jeedinayo xukumada Myanmar ee ku aadan in la baaro suurtagalnimada in la gaystay danbiyo ka dhan ah aadanaha.