Laba arrimood Oo Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Iyo Waxa Ay Yihiin.

0
Thursday December 14, 2017 - 09:13:31 in by Burco Office
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba arrimood Oo Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Iyo Waxa Ay Yihiin.

    Laba arrimood Oo Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Iyo Waxa Ay Yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba arrimood Oo Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Iyo Waxa Ay Yihiin.

Muse Biixi Cabdi ayaa lagu wareejiyay xilka madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland. Muse Biixi ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishii la soo dhaafay

Muuse Biixi ayaa ku guuleystay illaa 55 boqolkiiba, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Muusa Biixi waxaa horyaalla arrim ay tahay in uu wax ka qabto muddada uu xilka hayndoono, waxaana ka mid ah:

Arrimaha Gudaha

 
Wareysi: Madaxweynaha la doortay ee Somaliland

Muuse Biixi waa nin muddo ku dhex jiray siyaasadda Somaliland. Waxa ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa'ilka ee ka dhex jirta Somaliland. Bil matal, magaalada Hargaysa waa magaalo qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan u kala qaybsan koofur iyo waqooyi.

Sidaas si le'eg, magaalada labaad ee Somaliland, Burco, waxay u kala qaybsan tahay Bari iyo Galbeed. Madaxdii isaga ka horraysay wax weyn kama qabanin kala qoqobnaantaas. Isla ayadaas ayey nabadda ku dul dhiseen, taasoo si fiican u shaqaysay, su'aashuse waxay tahay ilaa intee ayey nabadda, hannaanka qabaa'ilka iyo siyaasaddu isla socon karaan?

Sidoo kale shaqo la'aanta iyo sicir bararka oo muddo ay ka sheeganayeen shacabka ayaa ka mid ah arrimaha waawayn ee madaxweyne Muusa Biixi horyaalla.

Dhallinyaro badan ayaa tahriiba ayagoo sheegaya in aysan shaqo ka heleyn deegaanada Somaliland. Waxaa ka mid ah boqollaal ka baxay jaamacado iyo kuwo leh xirfado kala duwan.

Dowladda Cusub waxay ee maanta xilka la wareegtay ayaa la arki doonaa sida ay wax uga qabato shaqo la'aanta iyo dhibaatooyiinka kale sida, caafimaadka, iyo abaaraha soo noqnoqday.

Ictiraaf raadin iyo Arrimaha dibadda

Ajandaha ugu weyn ee dowlad kastoo loo doorto jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida, waa in ay hesho isctiraafka gooni isu taagga Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay ka go'aday sanadkii 1991.

Weli ma jiro dal si gaar ah u aqoonsaday Somaliland, waxaana loo garanayaa qeyb ka mid ah Soomaaliya. Dalalka jaarka la ah ma aysan aqoonsan, inkastoo ay ku qaddariyaan nidaamka iyo kala dambaynta iyo hannaanka dawliga ah ee ka jira.

Madaxweynayaashii hore oo ku sugnaa xafladda xil wareejinta
Image captionMadaxweynayaashii hore oo ku sugnaa xafladda xil wareejinta

Waxaa jiro hay'ado iyo dowlado caalami ah oo taageera Somaliland, balse iyaguna si gaar ah umaysan aqoonsan "madaxbanniinidooda".

Arrimaha ugu waawayn ee horyaalla Muuse Biixi iyo xukuumadiisa waa in ay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya iyaga iyo Puntland, iyo in meel fiican in la gaarsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Muse Biixi, madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa sheegay in ay ka go'an tahay in uu raadiyo ictiraafka, uuna kala hadli doono dowladda Soomaaliya, xilli uu ka qeybgalayay dood ay qabatay BBC Somali.

Ictiraafka oo ay qadiyad ay ka mideysan yihiin siyaasiyiinta Somaliland, waxay ku xiran tahay sida uu Muusa u dardar geliyo ka dib marka uu dhiso xukuumadda.

Xafladda caleemo saarka waxaa ku sugnaa Cali Khaliif Galayr
Image captionXafladda caleemo saarka waxaa ku sugnaa Cali Khaliif Galayr