Bas iskuul oo labo u kala go'ay markii ay tareen isku dhaceen Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bas iskuul oo labo u kala go'ay markii ay tareen isku dhaceen Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

    Bas iskuul oo labo u kala go'ay markii ay tareen isku dhaceen Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bas iskuul oo labo u kala go'ay markii ay tareen isku dhaceen Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

Tareen iyo bas iskuul ayaa isku dhacay iyaga oo maraya Perpignan oo ku taalla Koonfurta Faransiiska, ugu yaraan afar carruur ah ayaa ku dhimatay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray.

Lataaban ruux ayaa dhaawacantay 11 ka mid ah ayayna xaaladdoodu aad u liidataa, ka dib markii uu shilkani ka dhacay meel ay isku waydaartaan wadooyinka Millas iyo Saint-Féliu-d'Amont.

Baska ayaa waday arday ay da'doodu u dhaxaysay 13 iyo 17 sano oo uu ka soo qaaday iskuul aan ka fogayn meesha uu shilku ka dhacay.

Sawirrada goobta laga helay ayaa muujinaya baskii oo labo u kala go'ay.

Shirkadda tareennada ee SNCF ayaa sheegtay in ay dajisnaayeen waxyaabihii loogu talagalay in ay xanibaan baabuurta kale tilmaamayayna in tareenku uu meesha marayo, inkastoo aan arrintaas wali la xaqiijinin.

Baska ayaa marayay isgoyska marka uu shilku dhacay, waxaana la sheegay in si fiican wax loo arki karay.

shilka laga soo qaaday ayaa muujinaya baska oo labo u kala go'ay

Qof goobjooge ah oo saarnaa tareenka ayaa barta l'Indépendant u sheegay in uu ahaa shil xun ayna oola muuqatay in tareenku uu khadka ka bixi doono.

Illaa 30 rakaab ah ayaa saarnaa markabka marka uu shilku dhacayay.