Madaxweyne Diiwaan-gelinta Hantidu Waxa Ay Ka Bilaabantaa Adiga Iyo Ku-xigeenkaaga

0
Sunday December 17, 2017 - 11:59:35 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Diiwaan-gelinta Hantidu Waxa Ay Ka Bilaabantaa Adiga Iyo Ku-xigeenkaaga

    Madaxweyne Diiwaan-gelinta Hantidu Waxa Ay Ka Bilaabantaa Adiga Iyo Ku-xigeenkaaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Diiwaan-gelinta Hantidu Waxa Ay Ka Bilaabantaa Adiga Iyo Ku-xigeenkaaga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa golaha Xukuumadiisa cusub uu faray inay diiwaan-geliyan Hantida guurtadda iyo ma- guurtadda ee gaarka ay u leeyihiin, iyo sidoo kale, inay soo gudbiyan xogahooda shaqsi.


Tallaabadan ugubka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi ku gar-daadiyey golaha Xukuumadiisa cusub, waxay abuurtay dood iyo su’aalo kala duwan oo bulshaddu ku falanqaynayan dhacdadan iyo habkan ka wanaagsan oo Madaxweynaha uga haboonan lahaa inuu u maro arrinkan. Tusaale ahaan shaqsiyaadka walaaca ka muujiyey hab-raaca Madaxweynuhuu ku wajahay sheekadan xiisa leh, waxay farta ku fiiqeen inay habooneyd madaxweynuhuu kolkii uu hawsha bilaabayey inuu Geel duqbaa loo tu’iyaayee badka soo dhigo guurtada iyo ma guurtada hantida uu gaarka u leeyahay, kadib-na ku xigsiiyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, dabeedna kolkaas ayey xidhmi lahayd Sheekada hantida Wasiiraddiisu.
Iyaddoo weliba Madaxweynaha cusub waajib Dastuuri ah ku tahay inuu diiwaangeliyo hantidiisa gaarka ah, isagga iyo ku-xigeenkiisaba, sida uu dhigay Qodobka 82aad ee Dasuurka qaranku farqadiisa oo u dhigan sidan; "..Qodobka 82aad Shuruudaha Qofka Loo Dooranayo Madaxweyne Ama Madaxaweyne-Ku-Xigeen, f, 9-aad Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo..”.
Sidaas awgeed, dadka aragtidan qaba, waxay xuseen inaanay tallaabadani ahayn mid ka go’an Madaxweynaha, balse ciiro isku qarin iyo arrin uu ka leeyahay ujeeddo siyaasadeed oo weliba aan ka foggayn is dhul-dhigis uu rabo inuu bulshada ku xod-xoto bilowga Xukuumadiisa. Dhacdadan ayaa hadal-haynteedu waxa kaloo ay la kowsatay ama dibeda usoo saartay tusaalaha hoggaaminta iyo cadaaladda Muuse Biixi, maadaama oo ay jiraan hanti qaran iyo mid gaar ah, oo laala xidhiidhiyo Madaxweynaha cusub inuu sharci darro iyo xoog ku hayso.


Yool