Ciidamaada UN Ta Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Somalia Oo Arimo Xasaasiya Dalbaday.

0
Friday December 22, 2017 - 09:46:08 in by Burco Office
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamaada UN Ta Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Somalia Oo Arimo Xasaasiya Dalbaday.

    Ciidamaada UN Ta Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Somalia Oo Arimo Xasaasiya Dalbaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamaada UN Ta Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Dalka Somalia Oo Arimo Xasaasiya Dalbaday.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay u baahan taageero Maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo si looga guuleysto dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa War ka sheegay kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Waxaan u baahan nahay taageero deg deg ah, ciidamadeenu waa diyaar, laakiin waxaa ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwo kobciya tani ma aysan noqon wixii laga filayey, inkasta oo ay ku soo noqnoqonayaan ballan-qaadyadii ay sameeyeen Wada-hawlgalayaasha” ayuu yiri Madeira.

 

Madeira ayaa ka digay hadii la waayo dhaqaale in halis ay geli karto ku guuleysiga dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab Tobankii sano ee la soo dhaafay kaasi oo ka socda Soomaaliya.

"Soomaaliya xasiloonida muhiim ayay u tahay iyo guud ahaan xasilloonida gobolka Bariga Afrika iyo wixii ka baxsan, haddii aanan si xeeladaysan u wajihin khatarta Al-Shabaab, waxay sii wadi doonaan inay khatar galiyaan Gobolka,” Ayuu sidoo kale yiri Francisco.

Wuxuu kaloo sheegay Madeira in qorshooyinka AMISOM ee 2018 ay ka mid yihiin in loo wareejiyo saldhigyo waa weyn oo hor leh oo ku yaala guud ahaan Soomaaliya oo ay ku wajahan yihiin Ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa isku diyaarinaya weeraro culus oo ay Al-shabaab kaga saarayaan goobahooda ay ku xoogganyihiin Jubbooyinka iyo Gobolada kale ee dalka.

Talaadadii, ayuu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qiimeyn ay samaysay xukuumaddu ay ogaatay in qiyaastii boqolkiiba 30 Askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya aysan hubeysneyn.