Kabtanka Manchester City Vincent Kompany Oo Ka Qalinjabiyay Manchester Business School Isagoo Qaatay Shahaadada MBA

0
Saturday December 30, 2017 - 13:49:59 in by Burco Office
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtanka Manchester City Vincent Kompany Oo Ka Qalinjabiyay Manchester Business School Isagoo Qaatay Shahaadada MBA

    Kabtanka Manchester City Vincent Kompany Oo Ka Qalinjabiyay Manchester Business School Isagoo Qaatay Shahaadada MBA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany Oo Ka Qalinjabiyay Manchester Business School Isagoo Qaatay Shahaadada MBA

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa qorsheynaya noloshiisa ka dib kubada cagta isagoo ka qalanjabiyay jaamacada Alliance Manchester Business School waxaana uu ka qaatay shahaadada labaad ee Master’s Business Adminstration (MBA).

31 jirkaan ayaa afartii sanno ee ugu dagaal ugu jiray inuu taam u noqdo Manchester City waxaana waqtiga intiisa kale uu dhiganayay Alliance Manchester Business Schoool taasoo qeyb ka ah noloshiisa ka dib marka uu ciyaaraha ka fariisto.

Inkastoo uu dhaawac kale soo gaaray kulankii ay 1-0 uga badiyeen Newcastle, kabtanka Sky Blues ayaan qorsheyneynin inuu dhawaan ka fariisto ciyaarista kubada cagta.

Waxa uu yiri: "Inkastoo aan doonayo inaan sii ciyaaro kubada cagta ilaa iyo intii macquul ah, waxaan hadana doonayaa inaan isku isticmaalo mustaqbalka waxbarashadeyda iyo khibradeyda kubada cagta.”

Kaliya hamigiisa kuma eka inuu koobab la qaado Manchester City, Kompany waxa uu sidoo kale doonayaa inuu sii wato waxbarashadiisa.

Kompany oo asal ahaan ka soo jeeda Congo ayaa sheegay inay waalidkiisa mar walba u sheegi jireen muhiimada ay leedahay waxbarashada si kasta uu meel sarre uga gaaro xirfadiisa kubada cagta.

Kompany ayaana dareensan in shaahadada uu qaatay haatan inay tahay mid uu ku maamuusayo hooyadiisa oo geeriyootay.

"Waxaan mar walba dareemayay in aqoonta ay tahay muhim aad u weyn, waxaana taasi igu dhalisay hooyadeey. Waxaan dareemayaa in ku maamuusayo hooyadeey inaan qaato shahaadada MBA.” ayuu yiri.