Philippe Coutinho Oo Durbaba Guri Ka Raadsanaya Barcelona Isagoo Doonaya Inuu Deris La Noqdo Saaxiibkiisa Luis Suarez

0
Saturday December 30, 2017 - 13:55:28 in by Burco Office
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Philippe Coutinho Oo Durbaba Guri Ka Raadsanaya Barcelona Isagoo Doonaya Inuu Deris La Noqdo Saaxiibkiisa Luis Suarez

    Philippe Coutinho Oo Durbaba Guri Ka Raadsanaya Barcelona Isagoo Doonaya Inuu Deris La Noqdo Saaxiibkiisa Luis Suarez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Philippe Coutinho Oo Durbaba Guri Ka Raadsanaya Barcelona Isagoo Doonaya Inuu Deris La Noqdo Saaxiibkiisa Luis Suarez

Philippe Coutinho ayaa lagu waramayaa inuu durbaba guri ka raadsanayo magaalada Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa seddex dalab ka helay Barcelona xagaagii laakiin Liverpool ayaa ku guuleysatay inay ceshato kubadsameeyaheeda.

Barcelona ayaa weli xiiseyneysa Coutinho, waxaana heshiiskii 75ta milyan ginni ee ay Reds kula soo wareegtay Virgil van Dijk ay keentay in dadka qaar ay soo jeedinayaan in Liverpool ay isku diyaarineyso bixitaanka Coutinho.

Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Coutinho uu durbaba guri ay degaan isaga iyo qoyskiisa ka raadsanayo Catalonia.

Jariirada gobolkaas ka soo baxda ee Mundo Deportivo ayaa soo jeedineysa in wakiilka ciyaaryahanka inuu haatan guri raadis ku jiro, iyadoo Coutinho uu doonayo inuu deris la noqdo xiddigii ay ka wada ciyaari jireen Anfield ee Luis Suarez.

Dhanka kale, tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in Liverpool aysan u baahneyn inay iibiso Philippe Coutinho si ay u soo ceshtaan lacagtii badneyd ee ay ku qarashgareeyeen saxiixa van Dijk.

"Waxaan la soo wareegnay ciyaaryahan fiican, uma baahnin inaan cidna iibino sababtaas darteed” ayuu yiri Klopp.

"Miyaan u baahanahay inaan isku dheelitirno buuga xisaabta? Maya. Cidna iima sheegin taas. Wax war ah kama haayo taaso.

"Milkiilayaasheena waa kuma hami leh haatan waxaan heysanaa ciyaartoy tayo leh oo aan si wadajir ah horumar ugu sameyno.”