Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

0
Sunday December 31, 2017 - 09:38:17 in by Burco Office
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

    Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

Wasiirka ammniga ee dalka Britian ayaa ku eedeeyay shirkaddaha adeegyada internet-ka inay ku fashilmeen inay gacan ka geystaan wax ka qabashada halista argagixisada, iyo in ay yihiin "beenayaal faa'iido doon ah".

Wasiirka Wasaaradda Ammniga Ben Wallace, ayaa sheegay in baraha bulshada sida Facebook, Google iyo Youtube, ay aad ugu liitaan inay ka saaraan barahaasi waxyaabaha xagjirka ah, taasi oo ku qasabtay xukuumadda Britain inay ku bixiso malaayiin doolar si loola tacaalo dhibaatada ka dhalan karta umuurtaasi.

Wasiirka ayaa ka digay in shirkaddaha internet-ka la canshuuri doono hadii aysan iskaashi la sameyn xukuumadda.

Wasiirka oo Axadii la hadlayay Waregeyska Sunday Times, ayaa waxa uu Mr Wallace sheegay in internet-ku noqday "goob fowdo iyo rabsho ah", sababtoo ah nidaamyada fariinta la isugu duubo oo qarsoon.

Sida shirkadda WhatsApp-ka oo kale oo diiday inay gacan ka siiyaan laamaha ammaanka in la aqoonsado argagixisada.