Sherkada DAHABSHIIL GROUP Oo Qabsatay Xaflad Shaqaalaha Lagu Abaal Marinaayay+SAWIRRO
Sherkada DAHABSHIIL GROUP Oo Qabsatay Xaflad Shaqaalaha Lagu Abaal Marinaayay+SAWIRRO
Shirkadda Dahabshiil ayaa u qabatay Xafladd mahadnaq ah Sanadeedka Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil ee Magaaladda Hargeisa, munaasibadaas oo ay ka soo qayb galeen, Shaqaalaha, Maamulka Sarre ee Xawaaladda iyo Sarrifka.Caweysinkan oo ka dhacay Damal Hotel ayaa isugu jiray kaftan, Casho, madadaalo iyo Abaalmarino ay ku guulaysteen qaar ka tirsan Shaqaalaha Shirkaddu.
ugu horeyn Waxa munaasibadda ka Hadlay Maareeye ku xigeenka Shirkadda Dahabshiil Mudane Ahmed Warsame Ducaale, Halkaas oo uu uga mahadnaqay Shaqaalaha Sida xilkasnimadda leh ee ula shaqeeyaan isla markaan ku dhiirigaliyey in ay halkaas dadaalka kasii wadaan.
waxa isna sidoo kale ka Hadlay Munaasibadda Gudoomiyaha Shaqaalaha Shirkadaha Dahabshiil Group Ahmed Farah Jama oo Shaqaalaha uga Mahadnaqay kartidooda iyo gaadhsiinta Shirkadda ee qorshayaasha sanadka 2017.Ahmed Farah Ayaa ku daray in Sannadka soo Socda abaalmarinaha loogu guulaysan doono sanadkan si ka duwan, isaga oo sheegay in lasoo xuli doono shaqaalaha ugu Wanagsanaada Sanadkaas, isla markaana lagu abaal marin doono Hadyaddo qaali ah.
Farah ismail Ali iyo Abdiqadir Hussein oo ka mid ah Madaxda Sarre ee Xawaaladda Dahabshiil ayaa iyugna dhankooda Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda u hambalyeeyay guulaha ay shirkadu gaadhay, ugana mahadnaqay munaasibadda quruxdabadan ee la soo agaasimay.
Sherkada DAHABSHIIL GROUP Oo Qabsatay Xaflad Shaqaalaha Lagu Abaal Marinaayay+SAWIRRO
Sherkada DAHABSHIIL GROUP Oo Qabsatay Xaflad Shaqaalaha Lagu Abaal Marinaayay+SAWIRRO