Dowladda Iiraan oo wacad ku martay in ay Mareykanka ka aargoosan doonto

0
Sunday January 14, 2018 - 10:07:36 in by salman abdi
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan oo wacad ku martay in ay Mareykanka ka aargoosan doonto

    Dowladda Iiraan oo wacad ku martay in ay Mareykanka ka aargoosan doonto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Iiraan oo wacad ku martay in ay Mareykanka ka aargoosan doonto

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay ka talaabeen qadka casaanka ka dib markii ay cunaqabatayn ku soo rogeen madaxa waaxda garsoorka Iiraan Ayatollah Sadeq Amoli-Larijani.

Wasaarada arrimaha dibadda iiraan ayaa wacad ku martay in ay ka aargoosan doonto Mareykanka.

Balse Iiraan ma sheegin tilaabada ay doonayso in ay qaado.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale diiday in wax isbadal ah lagu sameeyo heshiiskii Iiraan ay la gashay wadamada quwadaha waaway.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo isagu si wayn uga soo horjeeda heshiiska Iiraan lala galay 2015 ayaa jimcihii sheegay in uu cunaqabatayna ka dhanka ah Iiraan uu kordhin doono.

Sidoo kale mareykanka ayaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay 14 shaqsi iyo hay'ado lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Madaxwyne Trump ayaa sheegay in midowga Yurub uu siinayo fursaddii ugu dambeeysay oo lagu saxayo heshiiska Iiraan lala galay.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa doonaya in gabi ahaanba isbadal lagu sameeyo heshiiskii Niyukleerka ee lala galay Iiraan.

Wadamada kale ee qaybta ka ahaa heshiiska ayaa waxay dhankooda sheegeen in ay sii wadi doonaan dhaqangalinta heshiiska Iiraan lala galay.

Madaxda Ruushka ,Jarmalka iyo Faransiiska ayaa waxa ay ka soo horjeedsadeen mowqifka Trump uu ka istaagay heshiiska ay wadamada quwadaha waawayn la galeen dowladda iraan.