Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

0
Monday January 15, 2018 - 10:15:30 in by salman abdi
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

    Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

Mid ka mid ah qoyska xukuma Qatar ayaa sheegay inuu ku xidhanyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey YouTube-ka ayuu Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ku sheegay in uu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan xidhanyahay.

Wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaadha uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadku.

Sannadkii hore ayaa Sheekh Cabdallah wuxuu wadahadallo heer sare ah ku galay Sucuudiga ka dib markii boqortooyada Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay. Qatar ayaa se beenisay eedaymahaa.