Dhulka Free-Zone ka Ee kuyaala Gudaha Magaalada Berbera kaas oo ku xidhiidhsan inta u dhexeysa Dekedda,Haamaha Keydka Shidaalka

0
Tuesday January 16, 2018 - 09:54:35 in by salman abdi
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhulka Free-Zone ka Ee kuyaala Gudaha Magaalada Berbera kaas oo ku xidhiidhsan inta u dhexeysa Dekedda,Haamaha Keydka Shidaalka

    Dhulka Free-Zone ka Ee kuyaala Gudaha Magaalada Berbera kaas oo ku xidhiidhsan inta u dhexeysa Dekedda,Haamaha Keydka Shidaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhulka Free-Zone ka Ee kuyaala Gudaha Magaalada Berbera kaas oo ku xidhiidhsan inta u dhexeysa Dekedda,Haamaha Keydka Shidaalka

Magaala Xeebbeeda Berbera oo aheyd Hooyadii Halbawlaha Dhaqaale ee Somaliland iyadoo, ay hore Maamulkeeda usoo qabteen Masuuliyiin Magac iyo Maamuus ku lahaa Dalka,Maxamed Axmed Baashe(Talaata-codle),Cabdale Maxamed Cali Carab,Cabdi Jaamac Ducaale(Musbaar), Siciid Daa,uud Cilmi Alaahu Yarxam.,Maxamed Cabdilaahi Maxamed Alaahu Yarxam dhamaantood waa Masuuliyiintii xilalka kasoo qabtey Doorashadii u horeysay ee D/hoose iyo Wixii ka horeeyay

Dhulka loo yaqaan (Free-Zone) ka ee kuyaala Gudaha Magaalada Berbera kaas oo ku xidhiidhsan inta u dhexeysa Dekedda,Haamaha Keydka Shidaalka,iyo astaanta Noobiyadda ilaa Madaarka(Berbera-Airport),waxa uu kamid ahaa dhulka keydka u ah Meelaha halbawle ah oo aan habayaraatee cidna haweysan jirin Maamul iyo shacbiba.Tan iyo marka dib loogu noqdo ilaa Dawlladii hore ee dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya,ilaa Xukuumaddihii isaga dambeeyay Somaliland laga soo bilaabo Madaxweynihii u horeeyay ee hogaaminayey Dawlladii ku meel gaadhka aheyd ee SNM Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(Cabdiraxmaan-tuur),Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Daahir Rayaale Kaahin intaba mudo xileedkoodii goobtani waxey aheyd dhul si aad ah loo ilaaliyo oo ka caagan in sigaar ah loogu daneysto Madaxweyne ilaa biyo toonina laga caagan yahey.

 

Haseyeeshee,waxa qodobkaa la jabiyey in la ilaaliyo dhulka (Free-Zone)ka Berbera Xiligii Xukuumaddii dhawaan wareejisey talada dalka ee Madaxweyne Siilaanyo iyadoo,ay dad badan oo waayo aragnimo khibrad iyo aqoonba u lihi ka hadleen hadana mar kaliya lagama dhageysan ee waxaa loo boobay si aan qiyaas laheyn,Waxaana xeyndaab aad u dhaadheer oo mid walba cabirkiisu dhan yahey,500mt ilaa 400mt kuwaas oo marka la isku soo ururiyo noqonaya 3.2sqrKm oo isku wareeg ah,taas oo dalka iyo dadka Somaliland iyo Marsada Berbera ee halbawlaha ah ku ah dhiig bax halis u ah in lagu khaarajiyo istaraatijadeedii iyo qiimaheedii.Tusaalayasha ugu dhaw ee ay dadka waxgaradka ahi sida weyn isku weydiinayaan wakhti xaadirkan waxa kamid ah inta ay isku jiraan Som-gas iyo haamihii Keydka Shidaalka Berbera oo ah waxaan ka badneyn Boqol talaabo cidna looka sheekayn maayo khatarta iyo halista halkaasi kujirto.Haddaba dhulkan (Free-Zone)ka Berbera oo ay intooda badan qeybsadeen Masuuliyiintii hore ee Xukuumadaasi kuwii awooda badan lahaa,Ganacsatada ugu dhaqaalaha badan haysta ee Somaliland,qurbajoog,iyo shakhsiyaad kale oo horjoogayaal u ah beelaha Somaliland iyo Berbera Deegaanka ku ah, iyadoo ay suurtagaliyeen in sidan loo qaybsado islamarkaana, faro madhan la joojiyo (Free-Zone)kii Maayarka Degmada Berbera,Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha maadaama ay (Accountble) taas oo ay iyaga laf ahaantoodu fursadaa ka faa,ideysteen balse aaney ku xisaabtamin dantii Qaranka oo ay ka doorbideen danahooda gaarka ah.


Gabagabadiina waxa muuqda in Magaaladii Berbera iyo guud ahaanba dhulkii keydka u ahaa halbawlayaasha Dekedda,Haamaha Keydka shidaalka,Noobiyada iyo Madaarku ay ooyayaan islamarkaana, ay qaadi kari laayihiin culeyska la saarey deyrarka lagu wareejiyay iyo sida loo caajiyey in danyartu dhisan karto Gudaha Magaalada iyo nawaaxigeeda……Lasoco cadadka Dambe.Sikasta oo ay arimihu hada yihiin haddana waxey da badani isweydiinayaan Magaaladii Berbera ee Xarunta Saaxil maxey u kori weyday ama ay u kobci weyday oo Magaalada iyo dhismaheedu u socon waayeen su,aashaa jawaabteedu waxa ay ku xidhiidhsan tahey in Bogcadihii iyo dhulka laboobay ee Gudaha Magaaladu dhamaantood lagu wareejiyey Deyr dhan 500 Mitir 400 mitir iyo in ka badanba, kuwaas oo ay leeyihiin dhamaantood inta ladan ee haysta lacagta adage e Dollarka Mareykanka Malaayiin in ka badan sidaan kor ku xuseyna ay kamid yihiin Wasiiro u badan kuwii Xukuumaddii hore,Ganacsato,Qurba joog taasina waxey is hortaagtey in ay Magaaladu fido sababtoo ah qof kamid ah danyartii shacbiga u aheyd Magaalada Berbera majiro qof kamid ah 1 mitir iyadoo qofka ka codsada Maamulka Golaha Deegaanka iyo Maayarka iyo Xoghayaha dhul uu ka dego Berbera Waxa laga siiyaa dhulka lafaruug ilaa Geel loo kor taas oo aaney duruuftu u saamaxeyn marnaba qof kasta oo danyarta ah iyadoo aaney jirin biyo koronto iyo meel ay ka adeegtaan iyo goobo kale oo Arimaha aasaasiga u ah Bulshada sida Dugsiyada iyo Goobaha Caafimaadka sidaa darteedna aanu qofna awoodin in uu halkaa Degi karo.