Wadanka Ugaanda Oo Kaydka Dhiiga Ee Yaala Cusbitalada Wadankaasi Oo Gaab Galay Iyo Sababata Keentay

0
Wednesday January 17, 2018 - 10:01:47 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Ugaanda Oo Kaydka Dhiiga Ee Yaala Cusbitalada Wadankaasi Oo Gaab Galay Iyo Sababata Keentay

    Waaxda caafimaadka dalka Uganda ayaa ka digtay in uu si aad ah u hooseeyo dhiiga yaala goobaha lagu keydiyo dhiigga bukaanada lagu shubo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda caafimaadka dalka Uganda ayaa ka digtay in uu si aad ah u hooseeyo dhiiga yaala goobaha lagu keydiyo dhiigga bukaanada lagu shubo.

Xarunta lagu kaydiyo dhiiga ee ku taalla caasimada Kampala ayaa la sheegay in dhiiga yaraan ay ka jirto oo dhiiga yaalla xaruntaasi uu gabaabsi yahay .

Goobtani ayaa la sheegay in ay hadda taallo boqol xabo halkii horey ay halkaasi u yaali jireen kun xabo iyo ka badan taasi oo maalinkii loo baahan yahay.

Madaxa ururka caafimaadka Uganda Dr Mukuzi Muhereza, ayaa BBC u sheegay in isbataalada ay baajinayaan qalliin ay ahayd in ay sameeyaan,taasi oo halis galin karta noolasha dad badan

Wasiirka caafimaadka Uganda Sarah Opendi ayaa sheegtay in ay codsadeen lacago dheeraad ah si dib loogu soo celiyo tirada dhiiga ee loo baahan yahay.

Balse waxa ay sheegtay in arintaasi ay sidoo kale tahay mid ku xiran dadka oo looga baahan yahay in ay dhiig ku deeqaan.