Madaxweynaha Maraykanka Mr Trump "maskax ahaan wuu caafimaad qabaa"

0
Wednesday January 17, 2018 - 09:55:36 in by salman abdi
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka Mr Trump "maskax ahaan wuu caafimaad qabaa"

    Madaxweynaha Maraykanka Mr Trump "maskax ahaan wuu caafimaad qabaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Mr Trump "maskax ahaan wuu caafimaad qabaa"

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxwayne Donald Trump ayaa wariyayaasha u sheegay in caafimaadka madaxwaynaha uu wanaagsan ,ka dib baaritaankii caafimaad ee ugu horreeyay ee lagu sameeyay.

Admiral Ronny Johnson ayaa sheegay in baaritaan caafimaad oo dhanka maskaxd ah uu ku sameeyay madaxwaynaha taasi oo uu codsaday Mr Trump islamarkana natiijada ka soo baxday ay tahay gabi ahaanba mid cadi ah.

"Ma jiro wax walaac ah oo aan ka qabo awoodiisa dhanka maskaxda iyo qaabka ay u shaqeeyaan neerfooyiinkiisa," ayuu yiri Ronny Jackson.

Todobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxa madaxwayne Trump oo 71 jir ah lagu sameeyay baaritaan caafimaad oo qaatay saddex saacadood.

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxwaynaha Ronny Jackson oo saxaafada kula hadlayay aqalka cad ayaa sheegay in caafimaadka madaxwaynaha uu yahay mid wanaagsan.

"Dhammaan macluumaadka waxa ay muujinayaan in madaxwaynaha uu caafimaad qabo uuna sii ahaan doono mid caafimaad qaba inta muddada xilkiisa.

Waxa jiray su'aalo la iska waydiinayay caafimaadka dhanka maskaxad ee madaxwaynaha ka dib markii uu soo baxay buug laga qoray aqalka cad iyo madaxwayne Trump.



Mr Trump oo gacanqaadaya Dr Jackson ka dib baaritaanka caafimaadMr Trump oo gacanqaadaya Dr Jackson ka dib baaritaanka caafimaad

Sida ku cad buugga uu qoray Michael Wolff, dhammaan shaqaalaha aqalka cad ku sugan waxa ay madaxwaynaha u arkaan sida qof "caruur ah".

Mr Trump oo ka jawaabayay arrintan ayaa ku tilmaamay buugga uu qoray Mr Wolff mid"Been ay ka buuxdo ", .

Sidoo kale xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa beeniyay in maskaxiyan caafimaadka madaxwaynaha uusan wanaagsanayn