Qaramada Midoobay: Ammaanka qaxootiga Rohingya waa in la hubiyaa marka la soo celiyo

0
Wednesday January 17, 2018 - 10:09:53 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay: Ammaanka qaxootiga Rohingya waa in la hubiyaa marka la soo celiyo

    Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaxootiga Muslimka ah ee Rohingya ee Bangladesh ay tahay in lala tashado loona xaqiijiyo amnigooda ka hor inta aan dib loogu celin gobolka Rakhine ee dalkooda Myanmar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaxootiga Muslimka ah ee Rohingya ee Bangladesh ay tahay in lala tashado loona xaqiijiyo amnigooda ka hor inta aan dib loogu celin gobolka Rakhine ee dalkooda Myanmar.



Andrej Mahecic, oo ah afhayeenka Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa u sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay magaalada Geneva ee dalka Swisska in loo xaqiijiyo amnigooda ka hor inta aan loo oggolaan inay si ikhtiyaari ah ugu noqdaan dalkooda.

 


"Kuwani waxaa ka mid ah in loo sheego xaaladda ka jirta goobaha lagu celinayo , lagala tashada rabitaankooda, iyo in nabadgelyadooda la hubiyo," ayuu yiri sarkaalka Qaramada Midoobay.


Horaantii Talaadada, Bangladesh iyo Myanmar ayaa isku raacay in ay isku dayi doonaan inay dhamaystiraan dib u celinta boqolaal kun oo qaxootiga Rohingya muddo laba sano ah.


Heshiiskaan, ayaa waxaa ku jira in Myanmar ay ballanqaaday in ay aqbali doonto Muslimiinta ku sugan Bangladesh tan iyo markii ay millatariga Myanmar bilaabeen hawlgalada xasuuqa Muslimiinta Rohinya bishii October 2016-ka.


Heshiiskaasi ma daboolayo qiyaastii 200,000 oo qaxootiga Rohingya oo ku noolaa Bangladesh kahor hawlgalada militiri.