RASMI: Man City Oo Heshiis Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Difaaca Dhexe Ee Nicolas Otamendi.

0
Wednesday January 17, 2018 - 18:03:48 in by salman abdi
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Man City Oo Heshiis Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Difaaca Dhexe Ee Nicolas Otamendi.

    RASMI: Man City Oo Heshiis Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Difaaca Dhexe Ee Nicolas Otamendi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RASMI: Man City Oo Heshiis Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Difaaca Dhexe Ee Nicolas Otamendi.

Kooxda Manchester City ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ku abaal marisay difaaca kooxdeeda iyo xulka qaranka Argentina eeNicolas Otamendi. Manchester City ayaaNicolas Otamendi la soo wareegtay xagaagii 2015 kii wuxuuna hadda ka mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan safka Guardiola isla markaana galay quluubta jamaahiirta Sky Blues.

Warka ay Manchester City ugu dhawaaqday heshiiskaNicolas Otamendi ayaa lagu yidhi: "Nicolas Otamendi waxa uu kordhiyay qandaraskiisii City oo uu ka hdigay ilaa 2022. Difaaca ree Argentina waxa uu xili ciyaareedkan ku soo jiray qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo seegay hal kulan oo kaliya ee 23 kii kulan ee Premier League ee ilaa hadda la soo ciyaaray”.

Heshiiska cusub ee uu saxiixayNicolas Otamendi ayaa dhacaya marka ay da’diisu noqoto 34 sano jir isaga oo hadda ah 29 sano jir taas oo la micno ah in City ay go’aamisay in waayihiisa ciyaareed inta ka hadhsan uu ku qaadan karo Etihad Stadium.

Difaaca ree Argentina eeNicolas Otamendi aaya Manchester City u saftay 118 kulan kadib markii uu ka soo wareegay kooxda ree Spain ee Valencia xagaagii 2015 kii halkaas oo uu ku qaaday hal xili ciyaareed oo kaliya wuxuuna hore afar xili ciyaareed ugu soo qaatay kooxda ree Portugal ee FC Porto.

Nicolas Otamendi ayaa si sahlan ula qabsaday hanaanka ciyaareed ee uu Guardiola caanka ku yahay wuxuuna macalinka ree Spain ee Guardiola uu xidigan ku naanaysay: "General’ isaga oo sheegay in la’aantiis ayna ku jireen kaalinta kowaad ee Premier League.

Nicolas Otamendi ayaa xili ciyaareedkan ah xidiga kubbadaha ugu badan dhamaystiray isaga oo 23 kii kulan ee Premier League ugu horeeyay dhamaystiray 2033 kun oo kubbad hiibiseed wuxuuna difaaca ku soo xiga ka sareeyaa 400 kubbad dhiibis oo uu dhamaystiray.