Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan.

0
Thursday January 18, 2018 - 10:25:41 in by salman abdi
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan.

    Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey guud ahaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu kula taliyey in wanaaga, nasteexa iyo midnimada umadda reer Somaliland ka shaqeeyaan, waxaanu ugu baaqay inay hawlahooda dhaqanka ku eekadan, oo aanay warbaahinta dhaliilo iyo hadalo kulul aanay iskugu jawaabin.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn yidhi "Salaadiinta waxa looga baahnaa inay ku eekadan hawlaha dhaqanka iyo reeraha, Salaadinta waxa looga baahnaa inay wanaaga, nasteexa iyo midnimada umadda ka shaqeeyaan, loogama baahna Salaadiinta inay warbaahinta dhaliilo isku mariyaan, Salaadiinta loogama baahna inay isku jawaaban, ee waxa looga baahan yahay inay dhaqankoodii ku eekadan,oo wanaaga iyo nasteexa ka shaqeeyaan, Xukuumaddana waxa looga baahan yahay inay xakamayso xeerka ay soo saartay qofkii jabiya”

Xildhibaan Xaamud mar uu ka hadlaayey qorshaha Xukuumadda ee ah in Warbaahinta Dawladdduun Madaxda iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu u warami karaan ayaa yidhi "Warbaahintu waa xor, ee Wasiiradda ay khuseeyso in la weydiiyo oo la yidhaahdo maxay waxaasi ku dhacayaan weeye, mana haboona in warbaahinta la kala godobsado, Warbaahintana in mar war walba Warar wacan oo waxtar iyo faa’iido Bulshada u leh inay baahiso weeye”.