Reer Somalilandnow Madaxweynaha Wakhti Siiya,,Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Debeda Oo Fariin U Diray Bulsha Weynta Reer Somaliland

0
Friday January 19, 2018 - 16:26:45 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Somalilandnow Madaxweynaha Wakhti Siiya,,Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Debeda Oo Fariin U Diray Bulsha Weynta Reer Somaliland

    Reer Somalilandnow Madaxweynaha Wakhti Siiya?Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Debeda Oo Fariin U Diray Bulsha Weynta Reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Somalilandnow Madaxweynaha Wakhti Siiya?Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Debeda Oo Fariin U Diray Bulsha Weynta Reer Somaliland

Ex Wasiir Kaysar Oo Qoraal Ku Baahiyey Barta Uu Ku Leeyahay Facebooga Waxa Uu Kaga Waramay,Qoraal Dheer Oo Nuxurkiisu Taabanaayo In La Baxnaaniyo Xukuumada Cusub Maadama Oo Ay Jirtay Wakhti Kooban,Kuna Hawlan Tahay Dhisida Laamaha Kala Duwan Ee Xukuumada,Waana Kan Isaga Oo Ka Sheekaynaaya Arintaasi,,,


Nin reer Dhagaxbuur ah oo magaciisa la odhan jiray Axmed Qaalib oo ku Noolaa Magaalada Leicester ee Dalkan UK ayaa Xiligii uu Dalka Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin ayuu waxa uu igu yidhi .. Waar Haddee Kaysar, markaasaan idhi Hooy, suu yidhi Haddee kan Daahir Rayaale Kaahin ee Madaxweynaha idiin ahi Cadaabul-qabrri ma leh ! Markaasaan ku idhi waayo? Markaasuu yidhi ma ninka la yidhi Iidoor u tali ayaa Cadaabul-qabrri u hadhay ifka ayay ku cadaabeene!

Kollayba Nin Xilqaaday Eed qaad oo Md. Muuse Biixi wuu ku soo talo-galay in la dhibo oo la xajiiyo oo xumaan iyo samaanba loo xambaariyo mudada uu xilka hayo, hadana iyada oo ay sidaas tahay waxaa haboon in qofka wax mucaaradayaa aanuu xikmada ka tegin, qaar baa ku leh waxba muu qaban weli.

Bil qudha ayuu Xilka hayaye goorma ayaynu wax qabad ka filnaa, fadlan haloo yara kaadiyo oo yaan durba lagu boobin.

Arrinta Suldaan Xasan ee Foosha Xumayd may ahayn arrin uu qof Damiir lihi ku raacsan yahay, waxay ahayd arrin foolxun oo Midnimada iyo Walaalnimada shacbiga dhaawacaysay, Waanuu qirtay Khaladkiisa Raali-gelina wuu ka bixiyay, fadlan yaan la sii wadwadin hadalkaas qaabka darnaa. Allah oo kaliya ayaan Khaldamin, Albaabka Naarta iyo Naxiga ayuu inagu furay, taasoo wakhti inagu qaadanaysa inaynu awdno ama gufayno; cid arrinkiisa kula socotaana ma jirto.

Madaxweynuhu Waxaa ka go'an Inuu Ummadiisa Middeeyo si Cadaalad ahna u qaybiyo Awwooda iyo Khayraadka Dalka.

Haddii aan dib u eego Xusuus qorkayga waxay ahayd 20 kii November 2017 oo ahayd Maalin ka hor markii lagu dhawaaqay Natiijada Doorashada, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi uu si Kediso ahayd noogu soo galay Wasaarada Arrimaha Debada anaga oo Shir ku jirna Madaxdayadii Wasaarada oo uu ka mid ahaa Dr Sacad, Mixille, Agaasime Abdeeq iyo Aniga, salaan kooban ka dib waxaan Md. Muuse Biixi ku Bilaabay hadal Talo ah, waxaanan ku idhi waxay u muuqataa in Berri aad noqonayso qofka doorashada ku guulaysanaya, fadlan Muhiimada Koowaad sii sidii aad middaynta Shacbigau raadin lahayd oo aad u baadi goobi lahayd Madaxdii Xisbiga Wadani, Musdanbeedkii Wadani iyo waxgaradkii Wadani oo uu dhayo xanaftii doorashada wax kasta oo wax dawayn karana uu sameeyo. Madaxweynuhu aad iyo aad ayuu ugu guuxay.

Hadana waxaanu soo wada raacnay Gaadhiga Mayor ku Xigeenka Hargeysa ee hoos ka muuqda, hadalkii hore ayaan mar kale ku celiyay inuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii Reer Wadani iyo Bahweyntii taageeraysay uu u raadiyo, Kaysar ahaan Xil maan waydiisan, kamana doonayn, waxaan kala hadlay dantaas guud, waxaa na maqlayay oo nala socdayDeputy Mayor Cabdi CasiisCabdicasiis iyo Xildhibaan Axmed Siyaad oo golaha deegaanka ka tirsan.

Run ahaan Madaxweynuhu wuu ku dhaqaaqay Taladaas waxaana uu Maalmo yar gudahood Hoteelka Ambassador kula kulmay Musdanbeedka iyo Waxgaradka Wadani, hadana waxa uu kula kulmay oo ku martiqaaday Madaxtooyada Salaadiintii iyo Hormuudkii Garxajis, inkasta oo aanan shakhsiyan Kulankaas joogin, hadana si dhow ayaan aad ula socday, waxaa jirtay si kaftan ah in ay Odayaasha Garxajis qaar ka mid ahi Madaxweynaha ku yidhaaheen Abti Jeegaanta naga baabii, ka dibna Suldaan Maxamed oo kaftamayaa uu yidhi Waar ha iska baabiin jeeganta waa tii Kursiga ku saartaye, maaha sida imika hadalka loo qaloociyay ama la u daba mariyay ee la yidhi Madaxweynahaa yidhi Jeegasnta baabiin maayo, taasi sax maaha Af Madaxweynena maaha, Madaxweynahana waxaa ka go'an Middaynta Dadkiisa iyo Dhayida Xanaftii ka dhalatay Doirashada.

Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa fadlan yaanay Madaxweynaha isku kiin dirin ama idiin kala sheekayn dhanxiirro ujeedooyin fog leh oo doonaya inay Ummada reer Somaliland iska hor keenaan.

Fadlan Wakhti siiya Madaxweynaha uu wax kaga qabto fidmo-wadayaasha Cimaamada xumaanta huwan iyo hawlaha badan ee hor yaala inuu wax ka qabto. Wakhti siiya Madaxweynaha.

Isaga oo uu Bedeluu nagu yidhi Madaxweynuhu aniga iyo rag badan oo kale oo KULMIYE u ololeeyay, hadana waanagaas weli baamboydii garaacaynee.....kkk Kaftan .... Illayn qof kasta oo laan-jabiyay Xil lama siin karee oo meeshu ina wada-qaadimaysee....fadlan Madaxweynaha Wakhti siiya oo durba Mucaaradsd haku bilaabina. Waar miyaanay sidaas ahayn? Dee waa sidaas.

Somaliland ha Guulaysato