Duuliyayaal ku dhex degaallamay diyaarad hawada ku jirtay oo shaqada laga tiray

0
Wednesday January 24, 2018 - 12:46:37 in by salman abdi
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuliyayaal ku dhex degaallamay diyaarad hawada ku jirtay oo shaqada laga tiray

    Duuliyayaal ku dhex degaallamay diyaarad hawada ku jirtay oo shaqada laga tiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duuliyayaal ku dhex degaallamay diyaarad hawada ku jirtay oo shaqada laga tiray

Gudiiga sharciyaynta duulimaadyada ee dalka Hindiya ayaa shaqadii ka joojisay laba duuliye oo la sheegay in ay ku dhex dagaaleen shirka ama qaybta hore ee diyaarada laga wado.

Duuliyayaashani ayaa laga mamnuucay in muddo 5 sano ah ay diyaarad duuliyaan.

Duuliyayaashani oo ah nin iyo haweenay ayay shaqada ka cayrisay shirkadda Jet Airways ka dib markii ay dagaalameen xilli ay diyaarada ku jirtay duulimaad ay ugu kala gooshaysay London iyo Mumbai bishan aanu ku guda jirno.

Dagaalkan ayaa dhacay xilli ay diyaarada hawada ku jirtay 1 January.

Diyaaradani oo ay saarnaayeen 324 rakaab ah ayaa iyada oo badqabta waxa ay ka dagtay magaaladda Mumbai.

  1. Labo duuliye oo isku dhex dagaalay diyaarad hawada ku jirta
  2. Haweenay ducayso is lahayd oo diyaarad baajisay
  3. Gabadh bistoolad la raacday diyaarad Maraykanka ka duushay

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhacay ka dib markii ninka uu dharbaaxay gabadha duuliyaha ah.

Shatigoodii dhanka duulimaadka ayaa hakad la galiyay ka dib markii la sheegay in ay halis galiyeen ammaanka duulimaadka.

Duuliyayaashani ayaa la sheegay in ay ka tageen laba jeer shirka diyarada laga wado iyada oo hawada ku jirto, waxaa sidaa laga soo xigtay agaasimaha waaxda duulimaadyada.

Ninka duuliyaha ayaa la sheegay in uu isagu bilaabay dagaalka oo muran ka dib uu dharbaaxay gabadha duuliyaha ah.

Sida ay sheegeen warbaahinta dalka Hindiya markii gabadha duuliyaha ah ay ka soo baxday shirka diyaarada laga wado iyada oo ooynaysa ay ka dib saaxibadeed ku qanciyeen in shukaanta dib ugu laabtao.