“Waxaan Idiin Sheegayaa In Dhawaan Laga Tashan Doono Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Xasanba, Beelaha Dagaalamayna Waxaan Leeyahay" Gudomiye Faysal Cali.

0
Friday January 26, 2018 - 12:03:58 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaan Idiin Sheegayaa In Dhawaan Laga Tashan Doono Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Xasanba, Beelaha Dagaalamayna Waxaan Leeyahay" Gudomiye Faysal Cali.

    “Waxaan Idiin Sheegayaa In Dhawaan Laga Tashan Doono Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Xasanba, Beelaha Dagaalamayna Waxaan Leeyahay" Gudomiye Faysal Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Waxaan Idiin Sheegayaa In Dhawaan Laga Tashan Doono Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Xasanba, Beelaha Dagaalamayna Waxaan Leeyahay" Gudomiye Faysal Cali.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhiig aan loo baahnayni uu ku daato deegaanka Darar-weyne oo ay dhawaan ku dirireen laba beellood oohalkaasi wada daga, waxaanu u soo jeediyey inay shuruud la’aan nabada ku qaataan ooay isu cafiyaan.


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahintu waxaa uu sheegay isla markaana war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadal maalintii isniintii ee toddobaadkan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir kaasi oo xukuumadda wax ka saaray dhimashada iyo dhawaaca uu dagaalkani sababay, waxaanu meesha ka saaray inay haba yaraatee xukuumaddu wax lug ah


ku leedahay. "Walaalayaal waxaan jecellahay inaan halkan farriiin nabadeed uga diro dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Darar-weyne, ee degmada Ceel-afweyne ee gobolka Sanaag”. Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

 

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Horta waa mide waxaaan idiin sheegayaa ninkii lahaa Suldaan baan ahaye eelahaa dawladda ayaa ku jirta dagaalkaas ooqayb ka ah, waxaan leeyahay warkaasi waxba kama jiraan oo waa been, dagaalka labada beellood eedirirayna kuma jirto oo dawladdu waa tii horena idiin kala qabatay ee ciidanka kala dhex dhigtay intay idinka aawadiiin jiidda hore ka soo qaaday ay idin kala dhex galisay”.

Dhinaca kale waxaa uu dadkii ku dagaalamay aagaasi ku tilmaamay kuwo aakhiro seegay kii wax dilay iyo kiila dilayba "horta waxaad ogataan in kiila diray iyo wax dilayba ay Ehlu-naar yihiin,inaad dagaallantaanna waa nasiib darro waayo dadis dhalay oo abti iyo inaabti isu ah baad tihiin, wax isukiin dhaamaana ma jiro oo ma kala tagaysaan oo illaahay baa meesha idiku wada abuuray, markaa waxaan idinleeyahay nabada shuruud la’aan ku qaata oo is cafiya dhimashaduna intaas idinka dhimatay halkaas ha ku joogto, waxdembe iyo dhiig dembe toonina inaanay dhicin baan jecellahay” .

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID, waxaa uu duray hadallo siyaabo kala duwan dhawaan uga soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, kuwaas oo hadalladoodu ay xanaf ka dhex abuuray ra’yul caamka bulshada, waxaanu sheegay in ummada reer Somaliland ay dhawaan talo ka yeelan doonto "Salaadiinta hunguriga iyo danahooda u hadlayaa ma wadaan danta shacbiga, waxaanse idiin sheegayaa in labada suldaanba laga tashan doono dhawaan, annagu kaayaga taladiisa waanu ku jirnayba” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.