" Is Yeel-yeelku Ma Siyaasad Baa"

0
Friday January 26, 2018 - 13:05:49 in by salman abdi
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Is Yeel-yeelku Ma Siyaasad Baa"

    " Is Yeel-yeelku Ma Siyaasad Baa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Is Yeel-yeelku Ma Siyaasad Baa"

Aduunyadu Xulifaddu way ka dhacdaa , inaguna waxaynu xulifo ahayn ilaa 1954 yaa yidhi ?


Ereyga Jeegaan hadmuu baxay , ma doorashadan mise wuu ka horeeyay , miyaanu ahayn erey bixin ku xidhiidhsanayd Xulifadaa horre ee jirtay ilaa 1954 oo xiligii snm naanaystan cusub yeelaay .

Dhab-libaax ma xisbi baa yidhi , ma beel baa tidhi mise qof baa yidhi ?

Dhab libaax yaa ah ama se ahaa ?

Xisbigii Udub hadduu aasaasay M I Cigaal Markuu dhintayna ay ka dhaxleen Daahir Riyaale iyo Axmed Y Yaasiin, ma xulifo beeleed ay ku tiirsanaayeen baa jirtay, mise

xisbi xaakim xukuumadi samaysay buu ahaa oo isku filaa ?
Madaxwayne Xigeenkii Xisbiga Udub Axmed Yuusuf iyo taageerayaashisii sidda Xaaji Muuse Dalab ,Sul Indha-case iyo qaar kale oo badani miyaanay ahayn Kulmiyaha cusub , haddii xulifo horre jirtay hadmay ka baxeen ?

Jeegaanta haddii la inoo sheegay inay jirtay ilaa 1954 , Xulifida kale intee bay jirtay , yaase ku midoobay ?

Ugu dambayn giraanta la sheeg-sheego ma doorashadan halku dhig xisbi ku galay doorasho oo aan cid gaara tilmaamayn bay ahayd mise mid ka horaysay oo jirtay ?

Hadiise ay jirtay amaba doorkan la unkay , yaa ku heshiiyey goormaa laggu heshiiyey maxaase laggu heshiiyey ?

Ugu dambayn marka lagga shiidaal qaato siday doorashadii dhawayd u dhacday , Somaliland ama waxay yeelanaysaa labba xulifo siyaasadeed oo is celiya amaba waxay yeelanaysaa Xisbi keliya oo xoogle , aragtidayda gaar ahaaneedna is yeel-yeelku siyaasad maaha .

W/Q: Ahmed Nour Guruje