Daawo:ciidamada QARANKA SOMALILAND OO ISKU BALAADHIYAY JIIDA DAGAALKA EE TUKE-RAQ, MAAMULKA PUNTLAND OO CIIDANKII UGU TIRADDA BADNAA SOO DHOOBEY IYO WARARKII UGU DANBEEYAY.

0
Monday January 29, 2018 - 15:06:08 in by salman abdi
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:ciidamada QARANKA SOMALILAND OO ISKU BALAADHIYAY JIIDA DAGAALKA EE TUKE-RAQ, MAAMULKA PUNTLAND OO CIIDANKII UGU TIRADDA BADNAA SOO DHOOBEY IYO WARARKII UGU DANBEEYAY.

    Daawo:ciidamada QARANKA SOMALILAND OO ISKU BALAADHIYAY JIIDA DAGAALKA EE TUKE-RAQ, MAAMULKA PUNTLAND OO CIIDANKII UGU TIRADDA BADNAA SOO DHOOBEY IYO WARARKII UGU DANBEEYAY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:ciidamada QARANKA SOMALILAND OO ISKU BALAADHIYAY JIIDA DAGAALKA EE TUKE-RAQ, MAAMULKA PUNTLAND OO CIIDANKII UGU TIRADDA BADNAA SOO DHOOBEY IYO WARARKII UGU DANBEEYAY.
Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degaanka TUKE-RAQ ee gobolka sool halkaas oo shalay subax uu ka dhacay weerar gardaro ah oo ciidamo ka tirsan maleeshiyada puntland ay kusoo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee TUKE-RAQ.
 
 
Ciidamada Qaranka Somaliland oo wata gaadiid dagaal ayaa la sheegay iney dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen degaanada TUKE-RAQ ka xigta dhanka koonfureed, halkaas oo la sheegay in habeenkii xalay ahaa maleeshiyo puntland taabacsani ay si dhuumasho ah kusoo galeen, iyaga oo doonaya iney markale weerar indha-iska tuur ah kusoo qaadan ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan jiida hore.
 
 
 
 
 
 
 
 



 
 
 
 
 
 
 
 
Ciidammada Puntland oo wata Gaadiidka Dagaalka, ayaa Subaxdii hore Shalay weerarray fadhiisimada Ciidammada Qaranku ku leeyihiin meel Tuke-raq illaa 7KM ka xigta dhanka Magaalada Garoowe, laakiin Ciidammada Qaranka oo ka jawaabay weerarkaasi ayaa baacsaday Ciidankii Puntland ee weerarka gardarrada ah ku soo qaaday.
 
 
Wararka kasoo baxaya dagaalkas shalay dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maleeshiyada puntland ayaa sheegaya in Ciidammada Dagaalka soo qaaday oo ay ku jireen kuwa ilaalada ka ah Madaxtooyada Garoowe uu ka dhacay Hal Askari markii ay ka baxsanayeen jawaabta ay Ciidammada Qaranku kabixiyeen weerarkooda, Askarigaasi oo ay Gacanta ku dhigeen Ciidammada Qaranka Somaliland.
 
 
 
Qof ku sugan degaanka TUKE-RAQ ee gobolka sool Oo Shabakada Gebogebonews la Hadley ayaa sheegay in saaka lagu waaberiistay ciidamada qaranka Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan wada, kuwaas oo kaga hortagaya weerar kasta ah oo kaga yimaada ciidamada maleeshiyada Puntland.
 
 
 
 
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Dhanka kale Mareegaha wararka ee laga leeyahey magaalada garoowe ayaa iyaguna saaka daabacay in maamulka xasarada puntland ay dhankooda wadaan diyaar-garow dagaal oo ay kusoo qaadaan ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore ee degaanka TUKE-RAQ ee gobolka sool ku sugan, waxaana wararka halkaas laga helayaa ay sheegayaan in maamulkaasi wuxuu uu ciidamo lahaa isugu keenay duleedka degaanka TUKE-RAQ, kuwaas oo doonaya iney mar kale qabsadaan gacan ku haynta degaanka TUKE-RAQ.
 
 
 
 
"maamulka puntland ayaa wada diyaar garow dagaal oo ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada tuke-raq oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland, waxaana madaxda ugu sareysa maamulka puntland ay amreen in ciidamada oodhan laysugu geeyo TUKE-RAQ” ayaa lagu yidhi war lagu daabacey mid ka mid ah mareegaha internedka ee laga leeyahey maamulka puntland.
 
 
 
 
 
Ugu dambayn, Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa 8-dii bishan waxay Maleeshiyaadka Puntland ka saareen Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo dhaqaaq halkaas ku dhex maraan ciidamada qaranka Somaliland iyo Kuwa puntland, maadama oo labada dhinacba ay degaaanka Tuke-raq soo dhobeen ciidamadii ugu tirada badnaa.
 
 
 
 
 
Isha Kuhay Shabakada Gebogebonews Oo kala soco xaaladaha kasoo cusboonaada jiide hore ee TUKE-RAQ