Haween lala xiriiriyay Shabaab oo ka soo muuqday maxkamad ku taal dalka Kenya

0
Saturday February 03, 2018 - 11:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween lala xiriiriyay Shabaab oo ka soo muuqday maxkamad ku taal dalka Kenya

    Haween lala xiriiriyay Shabaab oo ka soo muuqday maxkamad ku taal dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haween lala xiriiriyay Shabaab oo ka soo muuqday maxkamad ku taal dalka Kenya

Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay laba Haween ah oo lala xiriirinayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Haweenkan ayaa laga qabtay Magaalada Wajeer,waxaana lagu helay in ay hayeen Hub iyo Rasaas aysan ruqsad u heysan maamulkeeda.


Haweenkan ayaa shalay Maxkamadda deegaanka Milimani la soo taagay,waxaana ay beeniyeen eedaha loo heysto,iyaga oo iska fogeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Xaliimo Sheekh Cabdullahi iyo Nuuriyo Aadan Jimcaale ayaa la tuhunsan yahay in Hubkaas ay u hayeen Odayga qaba oo lagu magacaabo Ibraahim Geeddi.

Labada Haweenka ah oo ah xaasaska Ibraahim ayaa laga soo xiray deegaanka Buulo Cilmi 24-kii January waxaana ay xabsiga ku jireen 10 maalmood.

Dacwad oogayaasha ayaa Garsooraha maxkamadda ka codsaday in uu diido dafiraadda haweenka ee falkan ay ku lug leeyihiin la xiriirta hayeeshee Qareenkooda ayaa sheegay in Haweenka aysan shaqo ku lahayn eedaha loo heysto hubkana ay suuragal tahay in Ninka ay u dhaxaan leeyahay.

Haweenkan labada ah ayaa hadda Racfaan lagu siidaayay waxaana Maxkmaadda ay dib uga soo muuqan doonaan Maalinta Isniinta ah ee soo socota.