Shiinaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka haro hab dhaqanka dagaalka qabow ee uu wado

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka haro hab dhaqanka dagaalka qabow ee uu wado

    Shiinaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka haro hab dhaqanka dagaalka qabow ee uu wado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu ka haro hab dhaqanka dagaalka qabow ee uu wado

Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu isaga haro waxa uu ku tilmaamay hab dhaqanka ku salaysan dagaalka qabow, waana inuu dhinaciisa ka adkeeyaa mas'uuliyadda joojinta isku hubeynta nukliyeerka.

Bayaanka ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii Washington ay Jimcihii shaaca ka qaadday siyaasaddeeda cusub ee nukliyeerka, taas oo ay ka mid tahay in la ballaariyo oo la casriyeeyo hubkeeda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Shiinaha ayaa sheegtay in Mareykanku uu ka badbadiyay khatarta nukliyeerka Shiinaha, iyadoo wasaaraddu ay intaas ku dartay in siyaasaddeeda ay tahay mid difaac oo kaliya.

Kuuriyada Woqooyi dhawr bilood gudahood ku awoodi karto in ay gantaalo nukliyeer ku weerarto MaraykankaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKuuriyada Woqooyi dhawr bilood gudahood ku awoodi karto in ay gantaalo nukliyeer ku weerarto Maraykanka

Sabtidii xukuumadda Moscow ayaa gaashaanka u daruurta siyaasadda nukliyeerka ee ugu dambaysay ee Mareykanka uu ku dhawaaqay taas oo ay ku tilmaantay inay tahay mid ka dhan ah Ruushka isku dhacna keeni karta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Mareykanka uu isku dayayo inuu Ruushka ku eedeeyo xiisadahan sii kordhaya, halka Moscow-se ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso ammaankeeda.

Hasayeeshee waxa ay wasaaraddu intaa ku dartay inay sii wadi doonto in xal wadaag ah loo helo sii joogtaynta deganaanshaha xaaladda nukiliyeerka dunida.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay doonayso inay casriyeyso hubkeeda nukliyeerka hub kale oo cusubna ay sameyso taas oo ay uga jawaabayso qaabka uu Ruushka ku ballaarinayo awooddiisa milateri, iyo weliba cabsida sii kordheysa ee nukliyeerka ee uu waddankaasi ku hayo wadammada ay Mareykanku xulafada yihiin.