Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo cusub oo Boolis ah

0
Sunday February 04, 2018 - 10:36:44 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo cusub oo Boolis ah

    Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo cusub oo Boolis ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo cusub oo Boolis ah

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka oo ay saaran yihiin Qoryaha culus ee loo yaqaan Dhashiikaha.

Ciidamadan cusub oo wata agabka ciidanka oo dhameystiran ayaa waxaa ka muuqata haybad ciidannimo, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socda wadada dheer ee Maka Al-Mukarama.

 

Ciidankaan ayaa xilliyada ay istaagayaan goobaha Saldhigyada Booliska ay ku sugan yihiin waxa ay ka duwan yihiin ciidanka Booliska ee Saldhigyadaasi horay ugu sugnaa marka la eego hanaanka istaagida u diyaarsanaanta xaaladaha soo wajihi kara ciidamada.

Dadka reer Muqdisho ayaa isweydiinaya ciidamadan cusub oo wata gaadiid Cabdi Bile ah oo ka duwan kuwa ay isticmaalaan ciidamada Booliska Somaliya.

Dhoolatuska cusub ee ciidamadan ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo maalmaha soo socda dowladda Madaxweyne Farmaajo ay u dabaaldageyso sanadguuradii ka soo wareegatay doorashadii Madaxweyne Farmaajo.