Daawo: Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeeray Beeraha iyo Kanaalada Degaanka BEER

0
Monday February 05, 2018 - 18:17:29 in by salman abdi
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeeray Beeraha iyo Kanaalada Degaanka BEER

    Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo maalmihi u danbeeyey Kormeero kala duwan ku samaynayey Degaanada Beeralayda ayaa saaka Gaadhay Degaanka Beer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo maalmihi u danbeeyey Kormeero kala duwan ku samaynayey Degaanada Beeralayda ayaa saaka Gaadhay Degaanka Beer,

Waxana Wasiirka iyo weftigiisu kormeero indho indhayn ah ku sameeyeen Beeraha Degaanka BEER, kanaalo lagu qabto biyaha Dooxa Beer, maxadka barashada cilmiga beeraha Xarunta Cilmibaadhista Tijaabada Beeraha iyo xarumo kale oo loogu talo galay shaybaadhka siidhka Beeraha iyo Kaydka oo Hay’adda ADO ka hirgelisay Degaankaaas.

Wasiirku Waxa uu Warbixino ka dhegaystay Ingineero gacanta ku haya Kanaaladaas oo Dayactir iyo Dib u casriyayn lagu samayn doono isago xadhiga ka jaray xarunta kaydka iyo shaybaadhka Siidhka beeraha isago uga mahadceliyey Hay’adda ADO Hirgelinta Xaruntan kuna tilmaamay in Hawl Wasaarad iyo dawlad ahaan iyagu lahaayeen ay ka furteen, waxanu ku warejiyey Qalab lagu Qiyaasayo Baaxadda Roobka ay helaan Beeraha Degankaasi.

Munasibad Kooban oo lagu Qabtay Maxadka Beeraha ee Degaanka Beer ayay ka hadleen Badhasabka Togdheer laga Bedelay Ahna Badhasabka Cusub ee Gebilay, Gudomiyaha iyo Beeralayda Degaankaas, isuduwaha Beeraha Togdheer Gurey, Macaliminta Maxadka Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Beeraha iyo Wasiirka Beeraha.

Intaas kadib Wasiirka iyo weftigiisu waxay kormeereen Beero Waaweyn oo ku yaalla Burco Sida Beerta Aadan Garas, Beerta Saleeban kulul iyo Qaar kale oo ah Green Hause oo ay leeyihiin Ganacsatada Togdheer.

Masuliyiinta Beerahaas ayaa Wasiirka uga mahadceliyey Booqashadiisa iyago so bandhigay Baahiyaadkooda iyo duruufaha ku xeeran sido kalena ku dhiirigeliyey Bulshada Waxsoosaarka, Waxayna Wasiirka iyo weftigiisu ku bogaadiyeen Beeralaydaas Tacabkaas ay Soo Bandhigeen.