Magacyada Laba Ka Mid Ah Telefishanada Dalka Kenya Oo Hawada Dib Ugu Soo Laabtay

0
Tuesday February 06, 2018 - 13:14:24 in by salman abdi
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Laba Ka Mid Ah Telefishanada Dalka Kenya Oo Hawada Dib Ugu Soo Laabtay

    Magacyada Laba Ka Mid Ah Telefishanada Dalka Kenya Oo Hawada Dib Ugu Soo Laabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Laba Ka Mid Ah Telefishanada Dalka Kenya Oo Hawada Dib Ugu Soo Laabtay

Laba ka mid ah telefishinada sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka Kenya ayaa dib u bilaabay hawlahooda ka dib toddobo maalmood oo ay dawladda ku qasabtay in ay shaqada joojiyaan.


Hawlaha saddexdan telefishin ayaa la joojiyay ka dib markii ay isku dayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada iskugu dhaarinayay siyaasiga mucaaradka Raila Odinga.Telefishinada kala ah NTV iyo KTN ayaa dib hawada ugu soo laabtay, Balse waxaa wali hawada ka maqan oo aan dib hawlihiisa u bilaabin TV-ga kale ee Citizen.

Dawladda Kenya ayaa ku tilmaamtay tallaabada telefishinadan in ay ahayd mid u dhiganta khiyaano qaran, waxa
ayna iska dhaga tirtay amar maxkamadeed oo ahaa in dib loo furo.

 

Dhinaca kale booliiska waxa ay isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala caydhiyaan dibadbaxayaal dawladda ugu baaqayay in telefishinadan ay dib u furto.

Ururada warbaahinta ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay tallaabada dawladda ay ku xidhay telefishinadan.