Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Taiwan Iyo Saaraha Ka Dhashay.

0
Wednesday February 07, 2018 - 09:27:01 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Taiwan Iyo Saaraha Ka Dhashay.

    Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Taiwan Iyo Saaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Taiwan Iyo Saaraha Ka Dhashay.

Dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Taiwan ayaa waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof.

Cabirka dhulgariirkan ayaa lagu sheegay inuu gaarayo 6.4 waxuuna ka dhacay meel 20-KM u jirta jasiirada xeebaha bari.

Dadka wax badbaadiyay ayaa weli baarraya dad la sheegay inay ku hoos jirraan guryaha burburay iyo hoteeladda.

Sawirqaadayaasha ayaa muujinaya burburka guryaha dumay iyo qasaaro weyn oo soo gaaray wadooyinka deegaanadaasi ka agdhow.

Qaybta hoose ee hotelka Marshal ayaa la aaminsan yahay inay ku jirraan sadax shaqaalaha ka mid ah oo halkaasi ku xayiran

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya inuu arkay iftiin hotelka burburay gudihiisa ka baxaya. Dad ayaana ku hoosjira ayuu raaciyay burburka hotelka.

 

Dad haysta telefoonada gacanta ayaa shidaya iftiin ay ku muujinayaa halka ay kaga jirraan burburka dhismaha si loo ogaado.

Ilaa dad gaaraya 28 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda oo laga soo saarray burburka dhismayaasha.

Dadka ka qaybqaadanaya gargaarkan waxaa ka mid ah ciidanka oo si degdeg ah loogu yeerray.