Puntland Oo Sheegtay in Dadka Ugu Badan Ee Deegaannadeeda ka Tahriiba Yihiin Itoobiyaan.

0
Monday February 12, 2018 - 10:24:51 in by salman abdi
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Sheegtay in Dadka Ugu Badan Ee Deegaannadeeda ka Tahriiba Yihiin Itoobiyaan.

    Puntland Oo Sheegtay in Dadka Ugu Badan Ee Deegaannadeeda ka Tahriiba Yihiin Itoobiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Sheegtay in Dadka Ugu Badan Ee Deegaannadeeda ka Tahriiba Yihiin Itoobiyaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay xeebaha Puntland in ay ka Tahriibeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 35,000 oo qof, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Dadkan ka Tahriibaya degaanada Puntland ayaa Boqolkiiba Sideetan waxa ay yihiin Itoobiyaan, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dadkan ayaa waxaa ay sii maraan dalka Yemen, iyaga oo u jiheysta dhanka Qaaradda Yurub, waxayna la kulmaan dhibaatooyin fara badan, oo loo geysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Puntland arrintan ay wax badan ka qaban doonto, si loo bad baadiyo nolosha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

"Dadka Tahriibayaasha ah, Puntland sanadkii hore waxaa soo galay Tahriibayaal gaaraya 1,250 qof, waxayna ka soo galeen dhanka Tukaraq, dadkan waxay ka imaanayaan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya, Boqolkiiba Sideetan dadka ka Tahriibay Puntland sanadkii tagay waxa ay yihiin Itoobiya, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaaliā€¯ ayuu yiri Agaasime (Jubba).