Dawladda Ciraaq Oo Codsatay 100 Bilyan Oo Dib U Dhiska Dalkeeda

0
Thursday February 15, 2018 - 10:23:28 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ciraaq Oo Codsatay 100 Bilyan Oo Dib U Dhiska Dalkeeda

    Shirweynaha ka socda magaalada Kuwait oo ay beesha Caalamka uga hadleyso dib u dhiska dalka Ciraaq ayaa waxaan weli lagu guuleysan in la helo dhaqaalihii ay dowlada Ciraaq codsatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha ka socda magaalada Kuwait oo ay beesha Caalamka uga hadleyso dib u dhiska dalka Ciraaq ayaa waxaan weli lagu guuleysan in la helo dhaqaalihii ay dowlada Ciraaq codsatay.


Xukuumada Ciraaq ayaa codsatay in loogu deeqo lacag gaareysa 100 bilyan oo dollar oo ay sheegeen inay dib ugu dhisi doonaan magaalooyinkii ku burburay dagaalada.

Waxaase muuqata in Beesha Caalamka inteeda badan aysan weli wax balan qaad ah u sameyn codsiga uga yimid Ciraaq.


Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay bixin doonto 3 bilyan balse ah lacag deyn ah, halka dowlada marti gelisay shirkan ee Kuwait ay sheegtay inay bixin doonto 1 bilyan oo deeq ah iyo 1 bilyan oo ah maalgashi.

Waxaa iyaguna jira hay’adaha caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya oo balan qaaday lacag gaareysa 300 milyan oo ay mashaariic ku filnayaan.

Balanqaadkan Beesha Caalamka ayaa ah mid aad uga yar baahida ay sheegatay dowlada Ciraaq.

Isbaheysiga Beesha Caalamka ee ku bahoobay la dagaalanka kooxda Daacish ayaa horey u sheegay inay wax badan ka qaban doonaan dhulka laga saaro ISIS iyo dib u dhiskeeda, balanqaadkaasi oo hada u muuqda inuu adkaaday fulintiisa.