Qiimaha Qaadka Oo Qaai Garoobay Iyo Shacabka Hargiesa Oo siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Iyo Arimo Uu Sababay.

0
Thursday February 15, 2018 - 12:09:09 in by salman abdi
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Qaadka Oo Qaai Garoobay Iyo Shacabka Hargiesa Oo siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Iyo Arimo Uu Sababay.

    Qiimaha Qaadka Oo Qaai Garoobay Iyo Shacabka Hargiesa Oo siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Iyo Arimo Uu Sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimaha Qaadka Oo Qaai Garoobay Iyo Shacabka Hargiesa Oo siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Iyo Arimo Uu Sababay.

Qiimaha jaadka ayaa aad sare ugu kacay labadii maalmood ee ugu danbeeyay suuqyada magaalada Hargeysa, waxaanu qiimaha jaadka ee kor u kacay sababay in shalay la boobo, waxaana goobaha qaadka joogay ciidamo Boolis ah si aan loo boobin.


Jaadka jabiska loo yaqaano ayaa uu geedkiisu sare u dhaafay 400 oo kun oo lacagta Somaliland, halka uu markii hore uu ka ahaa 240 kun oo shiling, waxaana in badan oo dadkii ku xidhnaa qaadku ay sameeyeen banaan bax, boob iyo rabshado ka dhan ah qaadka qaaliyoobay. Jaadlayaasha ayaa sheegay in qiimaha qaadka ee is bedelay ay sabab u yihiin rabshado ka soo cusboonaaday gobalka aydegto Oromadu ee Itoobiya oo qaadkan laga keeno.

 

Qaar ka mid ah dadka qaadka cuna oo ka cadhooday qiimaha qaadka ee sare u kacay oo la hadlaayay warbaahinta waxa hadaladooda ka mid ahaa "Rubaca jaadka ahi waxa uu ahaan jiray shan doolar, maantana waa shan iyo toban doolar, markaas jaad la’aantu hadday sidan ku sii socoto magaaladu kala socon mayso.”

Nin reer Muqdisho ah oo qaadka qaaliyoobay ka cadhaysnaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa”Waxaan Xamar uga soo tagay qaad qaali ah markaan Hargeysa nimina iyadiina qaalibaa laga dhigay, hadda Xamar ayaan ku noqonayaa,qaadku waa bolwadayda oo isaga la’aantii ma shaqayn karaayo.”

Mid ka mid ah odayaasha magaalada Hargeysa ayaa isaguna dhankiisa ku taliyay in qaadka loo sameeyo sicir go’an oo ay dawladu soo faro galiso”Dadka qaadka halaga joojiyo ama intii hore halaga siiyo, dawladu waa inay jaadka sicir ka soo saartaa.”

Ugu danbayntii mid ka mid ah shaqaalaha shirkada qaadka ee 725 oo qiimaha kacay ee jaadka ka hadlaayay waxa uu yidhi”Markii hore 120 ayaanu siinaynay imikana 100 ayaanu siinaynaa, yar yarkaas tuugta ah ayaana arintaas sababay, imika xaaladu xasilooni ayay ku soo noqtay, qaadkan aan hayo waxa la yidhaahdaa 725 waxaanan imika geedkiisa siinaynaa 400 oo kun ama 40 doolar, markii horena 24 doolar ayaanu siin jirnay, waxaana keenay kacdoonada ka dhacay Itoobiya ee qaadba la waayay oo wareeg badan uu soo maray,khasaare badan nama gaadhin.”

Hargiesa Office
Somaliland