Muwaadiniin Ruush ah oo lagu eedeyay faragelintii doorashada Mareykanka

0
Saturday February 17, 2018 - 11:03:44 in by salman abdi
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Ruush ah oo lagu eedeyay faragelintii doorashada Mareykanka

    Muwaadiniin Ruush ah oo lagu eedeyay faragelintii doorashada Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Ruush ah oo lagu eedeyay faragelintii doorashada Mareykanka

Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka.

Sidookale dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyaguna lagu eedeyay inay qeyb ka ahayeen farogelinta Ruushka, waxaana shirkadahaasi kamid ah wakaaladda cilmibaarista internet-ka ee fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg ee Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhankiisa beeniyay inuu wax xiriir ah ka dhaxeeyay kooxdiisii ololaha doorashada iyo Ruushka, balse waxaa Trump soo dhaweeyay eedaha dambi ee uu Robert Mueller usoo jeediyay muwaadiniin Ruush ah.

Dacwad oogayaasha ayaa intaa ku daray in faragelinta oo bilaabatay bishii May ee sannadkii 2014 lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo nidaamka siyaasadeed ee waddanka Mareykanka.

Mr Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in faragelintaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doorashada.