Ciidamadii Ugu Tirada Badnaa Oo Maamulka Putland Soo Dhoobay Deeganka Tuke-raq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan La Galiyay.

0
Monday February 19, 2018 - 10:28:02 in by salman abdi
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Ugu Tirada Badnaa Oo Maamulka Putland Soo Dhoobay Deeganka Tuke-raq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan La Galiyay.

    Ciidamadii Ugu Tirada Badnaa Oo Maamulka Putland Soo Dhoobay Deeganka Tuke-raq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan La Galiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadii Ugu Tirada Badnaa Oo Maamulka Putland Soo Dhoobay Deeganka Tuke-raq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan La Galiyay.

 

Iyadoo ay wali socdaan dadaalo iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo lagu baajinayo inuu wax dagaal ahi ka qarxo jiida Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay wadaan beesha Caalamka,Wadamada Jaarka iyo Ururka Goboleedka Africa ee IGAD ayaa hadda waxa si weyn dhaq dhaqaaq dagaal u wada maamulka Puntland oo itaal meel uu dhigaba daan daansigiisa laga dareemayaa jiida hore islamarkaana ciidamo ka soo daad guraynaya Puntland inteeda kale.


Warar Xog ogaal ah oo Xalay Wargeyska Foore ka helay Gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyay in Shalay galinkii dambe uu Maamulka Puntland Ciidamo dheeraad ah ku soo daad gureeyay Jiida hore ee Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee Somaliland,kuwaasi oo uu kusoo xoojiyay ciidamo halkaasi hore uga joogay oo ay isku hor fadhiyeen Ciidamada Qaranka Somaliland,waxaana si weyn Deegaamada Maamul Goboleedka Punlant maamusho iyo Caasimada Garowe laga hadal hayaa dagaal ay Puntland damacsan tahay maalmaha soo socda inay ay ka rido deegaamo ka tirsan Gobolkaasi Sool,gaar ahaan Deegaanka ay aad u danaynayaan ee Tukoraq oo ku dhawaad laba bilood ka hor Ciidamada Qaranka Somaliland ay ka caydhiyeen Maamulka Puntland oo muddo dheer Deegaankaasi gacanta ugu jirtay.
Dad ku sugan Deegaanka Tukoraq oo aanu Khadka Telefanka kula xidhiidhnay Xalay ayaa noo Xaqiijiyay warkan,Waxa ay sidoo kale Warbaahinta Puntland qoraysay Shalay in Rasaas teel teel ah laga maqlayay Deegaanka Tukaraq, taasi oo aan ahayn dagaal toos ah oo qarxay. Beesha Caalamka iyo Wadamada Jaarka ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen Dagaal ka dhex qarxa Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa ugu dambeeyay oo Doraad uun Kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Madax ka socotay Urur Goboleedk IGAD kuwaasi oo sida la sheegay ka codsaday Dawlada Somaliland inaanay Ciidamada Qaranka Somaliland hore u dhaafin Tukoraq ee ay halkaasi uun ku ekaadaan.
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sanadadii u dambeeyay ladaalaa dhacaya Amni daro,Dhaqaale Xumo iyo isfahamwaa ka dhex aloosan siyaasiyiintooda, Waxaanay dadka siyaasada odorosaa tilmaamayaan inaanay itaal u hayn Puntland wakhtigan inay Somaliland dagaal toos ah lagasho,marka laga reebo tuur tuuryo iyo dadaalo diblomaasiyadeed oo ay u isticmaasho xaaladan.