War Deg Deg Madaxweynaha Oo Iminka Magacaabey Taliyayaasha Booliska , Asluubta Iyo Nabadsugida.

0
Monday February 19, 2018 - 15:30:34 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Madaxweynaha Oo Iminka Magacaabey Taliyayaasha Booliska , Asluubta Iyo Nabadsugida.

    War Deg Deg Madaxweynaha Oo Iminka Magacaabey Taliyayaasha Booliska , Asluubta Iyo Nabadsugida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Madaxweynaha Oo Iminka Magacaabey Taliyayaasha Booliska , Asluubta Iyo Nabadsugida. Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa uu goor dhaweyd magacaabey

Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhoweyd yeesheen Golaha Wasiirada.


Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.


 

 

Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay, waxaa horay suuqa ugu jiray shaqsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.


Shirka Golaha Wasiirada ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga warbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka looga hadlay oo saacado badan qaatay.