Somaliya:-Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Oo Maanta Xiilkii La Wareegay

0
Wednesday February 21, 2018 - 13:26:54 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:-Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Oo Maanta Xiilkii La Wareegay

    Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Sare ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Sare ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya.


Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la soo magacaabay.

 

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa madaxa xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeeg iyo isbedel la taaban karo.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse maanta si rasmi ah taliyaha cusub ayaa xilka ula wareegay.