Kenya:- Dawlada Kenya Oo Xabsiga Ku Gurtay Rag Ku Eedaysan Warar Dhawaan Lagu Layay Macalimiin Iskuul.

0
Thursday February 22, 2018 - 07:47:13 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:- Dawlada Kenya Oo Xabsiga Ku Gurtay Rag Ku Eedaysan Warar Dhawaan Lagu Layay Macalimiin Iskuul.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilkii Jimcihii ina dhaaftay iskuul ku yaalla magaalada Wajeera ee dalka Kenya loogu geystay ilaa Saddex Macalimiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilkii Jimcihii ina dhaaftay iskuul ku yaalla magaalada Wajeera ee dalka Kenya loogu geystay ilaa Saddex Macalimiin ah.

Madaxa Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Maxamed Salah oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan ciidamada gobolkaasi ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba nin oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaadaya Macalimiin Kenyanka ah.

"Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkii Wajeer, faah faahin kale kama bixinayo, sharciga ayaa la horgeyn doonaa, uma dulqaadan doono in koox hubeysan ay dil geystaan kadibna ay baxsadaa” ayuu yiri Maxamed Saalax.

Saraakiisha gobolka ayuu ugu goodiyay hadii aanay sida waajibka ah u qabsan shaqadooda ay Maxkamada iyo shaqo la’aan muteysan doonaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Saraakiisha Booliiska ayaa ogaaday in weerarkasi ay ku lug lahaayeen rag magacuadooda lagu sheegay Yuusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weerar macalimiin Kenyan ah llagu dilay laguna afduubtay ka geysteen gudaha dalkaasi, xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa jirtay cabsi soo wajahday Macaliminta Kenyanka ah