Suudaan:- Pope Francis oo ku dhawaaqay 23-ka Febraayo in loo soomo oo loo duceyo wadamada dhibaatada ka jirta.

0
Friday February 23, 2018 - 09:59:09 in by salman abdi
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suudaan:- Pope Francis oo ku dhawaaqay 23-ka Febraayo in loo soomo oo loo duceyo wadamada dhibaatada ka jirta.

    Suudaan:- Pope Francis oo ku dhawaaqay 23-ka Febraayo in loo soomo oo loo duceyo wadamada dhibaatada ka jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suudaan:- Pope Francis oo ku dhawaaqay 23-ka Febraayo in loo soomo oo loo duceyo wadamada dhibaatada ka jirta.

Baadariga madaahibta Catholic-ga ee diinta masiixiyadda Pope Francis ayaa ku dhawaaqay in maanta oo jimca ah la soomo islamarkaana loo duceeyo wadamada dhibaatada ka jirta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Koonfurta Suudaan.


Pope Francis ayaa carabka ku adkeyay in labada waddanba ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca amniga iyo bani'aadamnimada sannadihii la soo dhaafay.
Baadariga ayaa sidaas darteed ugu baaqay dadka haysta diimaha kala duwan inay u soomaan maalinta Febraayo 23, maalinta nabadda.



Munaasabadda ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu raadiyo nabadda adduunka. Pope ayaa ku martiqaaday kuwa aan-Catholic aheyn in ay sidoo kale qayb ka qaataan raadinta nabadda ee labada dal iyo adduunka oo dhan.


Wicitaankiisa waxaa ka jawaabay Madaxa Kaniisadda Anglican-ka ee caalamiga ah, Justin Welby, oo dadka faray in ay raacaan wicitaanka Papal. Welby ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabihii uu ku soo arkay safaradii hore uu ugu tagay wadamada DRC iyo Koonfurta Suudaan.


"Sannadihii ugu danbeeyay booqashadayda labada dalba, suurtagal maaha in la qeexo heerka burburka uu gaarsiisanyahay ayuu yiri Welby, isagoo intaa raaciyay in khilaafaadkaasi ay keeneen dhimasho aad u daran iyo dad tira badan oo lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, taas oo saameyn ku yeelatay qoysaska iyo bulshada ayuu yiri.