Maraykanka:Dawladda Mareykanka Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Furayso Safaaradda Cusub Ee Qudus

0
Saturday February 24, 2018 - 11:05:47 in by salman abdi
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:Dawladda Mareykanka Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Furayso Safaaradda Cusub Ee Qudus

    Waaxada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in safaaradda cusub ee Mareykanka ee Qudus la furi doono bisha May ee soo socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in safaaradda cusub ee Mareykanka ee Qudus la furi doono bisha May ee soo socota.


Furidda safaaradda ayaa ku soo beegmaysa xuska 70 guuradii israa’iil, sida lagu xusay bayaanka.

Ku dhawaaqidda xilliga la furayo safaaradda Mareykanka ayaa qayb ka ah qorshihii muranka dhaliyay ee madaxwayne Trump uu ku dhawaaqay bishii December ee sanaddii aanu soo dhaafnay.

Sargaal sare oo ka tirsan Falastiiniyiinta, Saeb Erekat, ayaa ku tilmaamay tillaabadan "gardaro aan geed loogu soo gabban ".

Xuska maalinkii la asaasay Israa’iil ayaa waxa ay Falastiiniyinta u yaqaanaan Nakba, ama "musiibo”.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqida waqtiga la furayo safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Ku dhawaaqidii uu Donald Trump ku dhawaqay in ay Qudus tahay caasimada Israa’iil ayaa waxa ay ka caraysiisay Falastiiniyiin.

Mr Netanyahu ayaa ku tilmaamay arrintan "in maalin wayn ay u tahay dadka Israa’iil”.

Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?

Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Magaaladan waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

Tan iyo 1967, Israa’iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa’iil ay diiday arrintaas.