Jabuuti:Natiijadda Doorashadii Baarlamaanka Ee Jabuuti Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Xisbigga Ku Guulaystay Codadka Ugu Badan Oo La Shaaciyay

0
Saturday February 24, 2018 - 11:50:50 in by salman abdi
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti:Natiijadda Doorashadii Baarlamaanka Ee Jabuuti Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Xisbigga Ku Guulaystay Codadka Ugu Badan Oo La Shaaciyay

    Xisbiga talada haya UMP ee dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay 81% inta badan doorashada Baarlamaanka dalkaas oo shalay loo dareeray, iyadoo Xisbiyada kale ay heleen 18%, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha gudaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga talada haya UMP ee dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay 81% inta badan doorashada Baarlamaanka dalkaas oo shalay loo dareeray, iyadoo Xisbiyada kale ay heleen 18%, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Xisbiga UMP ayaa mar kale sii xajistay aqlabiyada Baarlamaanka, iyadoo cododka ugu badan ka helaan degmooyinka Cali Sabiix, Tajoura iyo kuwa kale.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay in doorashada ay tiro dhowr jeer codeeyeen Ciidamada Milateriga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay eedeynta ka soo yeertay Mucaaradka, waxaana ay sheegtay in si wanaagsan ay u dhacday doorashada.

Xisbiga ugu weyn Isbaheysiga mucaaradka ee (MRD) ayaa horay u qaadacay doorashadan, iyagoo shaki geliyay xalaalnimada hanaanka doorashada.