Somalia:- Maxaabiis laga Soo Qabtay Al-Shabaab Oo Ka Baxsatay Xabsigii Lagu Hayey +Halka Uu Ku Yaalo Jeelka Ay Ka Baxsadeen.

0
Tuesday February 27, 2018 - 09:40:12 in by salman abdi
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Maxaabiis laga Soo Qabtay Al-Shabaab Oo Ka Baxsatay Xabsigii Lagu Hayey +Halka Uu Ku Yaalo Jeelka Ay Ka Baxsadeen.

    Somalia:- Maxaabiis laga Soo Qabtay Al-Shabaab Oo Ka Baxsatay Xabsigii Lagu Hayey +Halka Uu Ku Yaalo Jeelka Ay Ka Baxsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Maxaabiis laga Soo Qabtay Al-Shabaab Oo Ka Baxsatay Xabsigii Lagu Hayey +Halka Uu Ku Yaalo Jeelka Ay Ka Baxsadeen.

Ugu yaraan 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii Al-Shabaab ee lagu qabtey degaanada Suuj, Garmaal iyo Garacad ee xeebaha Puntland ayaa la sheegay iney ka baxsadeen xabsi guri ku yaala magaalada Garoowe oo muddo dheer dhaqan celin ahaan loogu hayey.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ahaayeen caruur xiliga la qabanayey dagaal kula jiray Puntland, kuwaasoo sharcigu uu qaban waayey da’dooda oo 15 sano ka hooseysay awgeed.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana la sheegay in dhaqan celintooda qandaraas lagu siiyey ganacsade ay xigto yihiin Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Warka ayaa intaas ku daraya in ganacsadahan oo magaciisa lagu sheegay C/fitaax Sugule uu dhaqan celinta caruurtan heyadda UNICEF kaga qaatay boqolaal kun oo dollar uuna ka dhigtay mashruuc uu si joogto ah uga macaasho, waxaana ilaalo ka hayey ciidan uu isagu qortay oo aan ka tirsaneyn kuwa hoos taga Puntland.

Mid ka mid ah dhalinyaradan baxsatay ayaa la sheegay in dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacanta lagu dhigin illaa hadda lamana oga inay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo inay meelo kale aadeen waxaana socda howlgalo lagu baadi goobayo.