Madaxweynaha Maraykanka Oo Cashuur Ku Soo Rogay Macdano Dalkiisa Loo Dhoofiyo Iyo Fikrada Uu ka Qabo Dagaalka Ganacsiga.

0
Friday March 02, 2018 - 19:06:51 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka Oo Cashuur Ku Soo Rogay Macdano Dalkiisa Loo Dhoofiyo Iyo Fikrada Uu ka Qabo Dagaalka Ganacsiga.

    Madaxweynaha Maraykanka Oo Cashuur Ku Soo Rogay Macdano Dalkiisa Loo Dhoofiyo Iyo Fikrada Uu ka Qabo Dagaalka Ganacsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Oo Cashuur Ku Soo Rogay Macdano Dalkiisa Loo Dhoofiyo Iyo Fikrada Uu ka Qabo Dagaalka Ganacsiga. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in '' dagaalka ku saleysan ganacsiga uu yahay mid wanaagsan''. Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo buuq uu ka taagan yahay go'aanka uu ku doonayo inuu canshuur ku soo rogo macdanta Naxaasta iyo qallinka ee la geeyo Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Mareykanka ay balaayiin doolar kaga luntay ganacsiga, Mareykanka na uu u arko dagaalka ganacsiga mid uu ku guuleysan karo. Trump ayaa maalintii khamiista sheegay in macdanta naxaasta ee la geeyo Mareykanka lagu soo rogi doono canshuur dhan boqolkiiba 25, halka macdanta qalinkana lagu soo rogayo boqolkiiba 10.

Dalka Canada iyo wadamada Yurub ayaa sheegay in iyaguna ay ku dhawaaqi doonaan talaabada xigta, sidoo kale dalalka Mexico, Shiinaha iyo Brazil ayaa iyaguna sheegay inay ka fiirsanayaan talaabada ay kaga jawaabaan go'aanka madaxweyne Trump. Dadka saluugsan go'aankan ayaa sheegay in lacagahani lagu soo rogayo macdanta la geeya Mareykanka ay wax yeeleyn doonto shaqooyinka qaar ka mid ah shacabka Mareykanka, waxaana ugu dambeyn ay sheegeen in tallaabadan ay qiimo korodh ku keeni doonto macaamiisha. Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aanu oggolaan doonin in shirkadaha iyo shaqaalaha Mareykanka mar dambe lagu daneysto. Mareykanka ayaa in ka badan boqol wadan oo caalamka ah ka soo dhoofsada Naxaasta