Caalamka:-Nacaybka Ka Dhanka Ah Diinta Islaamka Oo Ku Sii Kordhaya Wadamada Spain Iyo Jermalka.

0
Monday March 05, 2018 - 07:13:28 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Nacaybka Ka Dhanka Ah Diinta Islaamka Oo Ku Sii Kordhaya Wadamada Spain Iyo Jermalka.

    Sida lagu sheegay tirakoobyada cusub ee dawladda Jarmalka sannadkii 2017 waxaa ka dhacay 950 weerar oo loo geystay Muslimiinta iyo masaajidada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu sheegay tirakoobyada cusub ee dawladda Jarmalka sannadkii 2017 waxaa ka dhacay 950 weerar oo loo geystay Muslimiinta iyo masaajidada.


Ugu yaraan 33 Muslimiin ah ayaa ku dhaawacmay weerarrada, Jarmalka oo ay ku jiraan weeraro ka dhan ah haweenka muslimka ah ee xiran xijaabka iyo weerarrada masaajidda iyo hay'adaha kale ee muslimiinta, ayay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku sheegtay jawaabteeda su'aasha baarlamaanka.



Wasaaradda ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 60 weerar sannadkii hore oo lagu beegsaday masaajidyada iyo hay'adaha kale ee bulshada Muslimiinta ah.


Dalka Spain, ayaa in ka badan 500 oo dhacdooyin oo islaam naceyb ah la diiwaan geliyey isla sanadkii 2017, oo ay ka mid yihiin weeraro ka dhan ah dumarka iyo carruurta iyo masaajidyo dhowr ah, sida ay sheegeen koox bulshada rayidka ah.


Wadanka Spain, faahfaahinta dhacdooyinka looga soo horjeeda Muslimiinta waxaa lagu diiwaan geliyay warbixinta "Islamophobia in Spain 2017" oo ay siidaayeen jimcihii 'Citizens' Platform Against Islamophobia (PCI).


Sida laga soo xigtay warbixinta, isbeddelka sii kordhaya ee nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka ayaa lagu xusay ra'yiga siyaasadeed ee kala duwan ee Spain. iyo ololaha warbaahinta iyo internetka ee kooxaha xagjiriinta ah.