Muqdisho:-"Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ma Ahayn Mid Isku Dheelitiran" Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

0
Sunday March 11, 2018 - 12:44:28 in by salman abdi
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-"Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ma Ahayn Mid Isku Dheelitiran" Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Muqdisho:-"Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ma Ahayn Mid Isku Dheelitiran" Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-"Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Ma Ahayn Mid Isku Dheelitiran" Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

ku ah dowlada Soomaaliya ayaa bartiisa twitterka waxa uu soo dhigey qoraal uu ku cabirayo fikirkiisa ku aadan qudbadii maanta uu ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo furitaanka kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka.



 

 

Qoraalka uu soo dhigey barta Twitterka ayuu ku sheegay in qudbada madaxweynaha aysan isku dheelitirneyn.


"Inkasta uu marar badan hadalka ka istaagay, Khudbada Madaxweyne Farmaajo uu labada Aqal maanta ka hor jeediyey ma ahayn mid isku xidhan, dheelitiran, biyadhacna leh. Kamana uusan hadal,Sanadkii tegey wixii ina soo maray 2- Nooma tilmaamin halka aan u socono 3- Sooma na qaadin Arrimaha xasaasiga ee taagan. Madaxweynuhu wuxuu ka digay in dalkeena lagu soo xadgudbo ee ma sheegin in xadgudub dhacay oo laga xisaabtamayo”


Qoraalka ayaa sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in hadii golaha Wasiirada Soomaaliya ay go’aan ka soo saaraan heshiiskii dekada Berbera uu Madaxweyne Farmaajo uu noqonayo mid masuuliyadisii gabay.


"Maadaama uusan madaxweynuhu mowqifkiisa cadaynin, haddii shacabka beri loo sheego in Golaha Wasiirada ay go’aan soo saareen, waxaan u qaadanaynaa in madaxweynuhu mar kale masuuliyadisii gabay”ayuu ku soo gunaanuday qoraalkiisa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur.