SHIRKADA KORONTADDA SOME-POWER OO ISKA DIFAACDEY IN XUKUUMADDU KOOTO UGU XIDHEY KORONTADA

0
Wednesday March 14, 2018 - 22:45:55 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRKADA KORONTADDA SOME-POWER OO ISKA DIFAACDEY IN XUKUUMADDU KOOTO UGU XIDHEY KORONTADA

    SHIRKADA KORONTADDA SOME-POWER OO ISKA DIFAACDEY IN XUKUUMADDU KOOTO UGU XIDHEY KORONTADA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRKADA KORONTADDA SOME-POWER OO ISKA DIFAACDEY IN XUKUUMADDU KOOTO UGU XIDHEY KORONTADA

Cabdisalaan Cabdilaahi Aw Cali,oo kamid ah Masuuliyiinta ugu sareysa ee Shirkada Korontada Some-Power ayaa jawaab ka bixiyey,in aaney Xukuumaddu kooto ugu xidhin Adeega Korontada isagoo, daba socda hadal arintaa lagu sheegay,waxaanu iska fogeeyay in aaney ka Shirkad ahaan wax shaqo ah ku laheyn arintaasi.

Cabdisalaan Cabdilaahi, oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi."Waxaan halkan ku caddeyneynaa in aaney,waxba ka jirin in Shirkadda Some-power iyo Shirkad kaleba aan wax kooto ah loogu xidhin Korontadda shirkadaha jka Ganacsada Somaliland gaar ahaan,Caasimada Hargeysa nidaamka Korontadu waa mid u baahan in loo raaco nidaam iyo sharci si aanu u sababin khasaare naf iyo maalba ah”Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey

"Warka ah in Shirkadda Some-Power Korontada gaar looga dhigey,Waxaan halkan ka cadeynayaa in uu deelqaaf ku yahey ka Ganacsiga oo aaney waxba ka jirin ka Ganacsiga aanu sal iyo raad toona runtii laheyn haddii cid kooto lagu siinayo oo Some-Power lasiinayo xadhkaha dhulka daadsan ayaa naloo ogolaan lahaa inaanu dhameystirno”Ayuu yidhi.

"Maahmaah Soomaalidu waxey tidhaahdaa Caano jiilaal,camba can dareeri,taa macnaheedu waxa weeyi tuhun bay Some-Powerta ka qabtaa in iyagga uun kooto loogu hayo,markaa waxaan u cadeynayaa oo aan Shirkan jaraa,id ugu cadeynayaa inaaney jirin wax kooto loogu xidhey”Ayuu yidhi Cabdisalaan Cabdilaahi Aw Cali oo katirsan Saraakiisha Shirkada Some-Power.

Geesta kalena, waxa uu ka Hadley Cabdisalaan Cabdilaahi Aw Cali Adeegyadda ay u qabtaan ka Shirkad ahaan Bulshada isagoo arimahaa, ka hadlaya waxa uu yidhi.

"Ka Ganacsiga Adeega Korontada iyo sidii loo yareyn lahaa kuwaas oo markii hore Shirkadaha yaryar dhibaato weyn ku hayey,oo soo gaadhsiiyey khasaare naf iyo maalba lahaa, waxa kale oo kamid ah dhibaatooyinka,leydhka oo aaney tayadiisu fiicneyn, iyo qiimaha leydhka oo Bulshada qaali ku ahaa oo aaney bixin kareyn wakhtigaasi ay Shirkadaha yaryari jireen islamarkaana, ay markii dambe go,aansadeen in ay isku tagaan oo isku biiraan si loo helo leydh tayo leh oo ka jaban kii hore waa tan ay maanta dabooshey Shirkada Some-Power ee Ganacsiga Korontadu oo laga baxey baahiyaadkaa hore u jirey”Ayuu yidhi.