Gudaha:- Faah Faahin Dheerada Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Ku Jooga Emaradka Iyo Arimaha Laga Wada Hadlay.

0
Thursday March 15, 2018 - 11:41:29 in by salman abdi
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:- Faah Faahin Dheerada Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Ku Jooga Emaradka Iyo Arimaha Laga Wada Hadlay.

    Gudaha:- Faah Faahin Dheerada Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Ku Jooga Emaradka Iyo Arimaha Laga Wada Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:- Faah Faahin Dheerada Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Ku Jooga Emaradka Iyo Arimaha Laga Wada Hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ee marti-qaadka rasmiga ku jooga Isu-tagga imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatey wasiirka madaxtooyada ahna ra’isal wasaare ku xigeenkaimaaraadka carabtaSheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan. Qoral ay madaxtooyadu soo saartay ayaa u dhignaa sidan: "Kulankaasi uu wasiirku ku qaabiley weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada isu-tagga imaraadka carabtaayaa ahaa mid wasiirku weftiga ku qaabiley una muujiyay meeqaamka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Isu-tagga ImaaraadkaCarabta ka dhexeeya.


Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo, ganacsi iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah kana dhexeeya labada dhinaca, waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday arrimo muhiima oo dan u ah labada dhinac, isagoo kulankani ahaa mid dhidibada loogu sii adkaynayey wada xaajoodka arrimaha dhaqan dhaqaale,isku tiirsanaanta,iskaashigahorumarinta labada shacbi ee ku kala dhaqan Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii loo sii kobcin lahaa taariikhda ma guurtada ah ee labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka dib ka hadlay ayaa yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulmay si wanaagsana wuu ugu dhacay kulankaasi ay yeesheen waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal dhinac walba, waana aanu isku afgaranay, si wanaagsana waa na loogu soo dhaweeyey intii aanu halkan joognay oo milgo iyo sharaf leh”.

Ugu dambayn weftiga madaxweynaha Somaliland hoggaaminayaa waxa ay halkaasi ka sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan madaxda kala duwan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta inta ay ku gudo jiraan safarkooda shaqo.”