Zaad joojintu ma tahay Hiil Sl,shilling-kaa Mise Waa Hiil Shirkaddo kale loo hiishay….?

0
Friday March 16, 2018 - 14:53:32 in by salman abdi
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zaad joojintu ma tahay Hiil Sl,shilling-kaa Mise Waa Hiil Shirkaddo kale loo hiishay….?

    Zaad joojintu ma tahay Hiil Sl,shilling-kaa Mise Waa Hiil Shirkaddo kale loo hiishay….?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zaad joojintu ma tahay Hiil Sl,shilling-kaa Mise Waa Hiil Shirkaddo kale loo hiishay….?

Somaliland wa dal yar oon aqoonsi ka haysan beesha Caalamka,Haddana Aan lahayn wax soo saar ay kaga maaranto wax badan oo Manta Innooga yimaada dalka debaddiisa,Haddaba waxa aynu wada oganahay muddooyinkii u dambeeyay inay inna soo wajahday caqabad aad u qalafsan oo sixir barar Ama(inflation)


xogan Oo bulshada somaliland qof iyo qoys-ba gaadhay,xukuumaddana bulshadu ka sugaysay Xakamayntii iyo maarayntii sixir barar-kaas Haysta

Sidaas darteed qofka kasta oo somalilander ahi wuu ka damqanayaa dhibaatadaas ummadeena heshay ee ah sixir barar-ka iyo Hoos u dhaca kU yimi Sl’Shln-keenii,qof kasta oo muwaadin ahina Wuu jecelyahay soo

noolaynta lacagteena iyo Isticmaalkeedaba, damiirka muwadinka ayaa ku faraya sidaas,iyo wax kasta oo Hoos u dhac kU keeni kara qaranimadeena iyo jiritaankeena waddaninimo,iyo bulshadeenaba
13-Kii bishan go’aan ayay soo saartay ah $100

Wixii ka yar inaan ZAAD-lagu isticmaalin amma lagu diri karin xukuumaddan muuse biixi gadh- wadeenka ka yahay,haba soo saartee ma yahay go’aankani Mid bulshadeena Amma shilinkeena Somaliland faa’ido u leh oo sixir bararkii wax ka dhimi doona,?mise waa mid sii xoogaynaya sixir bararkii iyo hoos u dhicii shilinka somaliland?anigu waxaan qabaa waa Mid sii laban laabaya Sixir bararkii iyo Hoos u dhicii SLshilin-kaba’

Tusaale ahaan, ganacsatadeena suuqa joogta maalintii 95% waxa laga iibsadaa waa lacag ka yar $100,markay urursadaan lacagtaas ayay habeenkii geeyaan xawaaladaha oo ay ku Dalbadaan safaradooda debadda ee dalalka kala duwan uga yimaada sida Chine,India,turkey, Dubai,IWM,badeecadahaas kala duwan waxa lagaga soo iibiyaa waa Dollar amma ay kU diraan lacagta waa dollar,haddaba maalin dhaw waxa iman doonta marka meherad kasta lacag kaash SLshln,ah loo diro amma wax lagaga iibsado maalintii,habeenkiina Dollarkii u baahdaan bakhaarlaydu amma ganacsatadu si ay Dollar u helaan kuna dalbadaan badeecada hooda debadda uga iman Jiray,ee nin kastaa Dollar raadiyo daruurina noqdo lagama maarmaan ah”””””””””””””

inanka sarifka haysta ee inta yar ee Dollar kaa haya magaaladii dhamaanteedna amma ganacsatoo dhami Dollar raadinayso,Waxaa qasaba Inuu wuxuu rabo kaga iibiyo Dollar ka amma ugu sarrifo,halka maanta uu yahay $1-ka 10’000Slshln wuxuu tagi donaa 20’000Slshln,la arki doonee Dhawaan siday kUsocoto

Haddaba waxa is waydiin mudan somaliland ma Zaad ayay ka cabanaysay Mise inflation sixir barar,?waxay ka cabanaysay sixir barar,hadii se Xukumadu daacad ka tahay inay soo celiso qiimihii SLshln-ka,maxay xawaaladahan kale ee dhammaantood bixinaya dollarka ugu Amri wayday Inay ku bixiyaan lacagaha loo soo diro SLShln,sida KaahExpress,Tawakal Express,

Universal Express,Jubba Express,Amal Express

heesbaa odhan jirtay,(CUDURKA KAA GALA FARDAHA HADDII LAGA GUBO DAMEERAHA DAWADA LAMA GAADHAYEE, SlShilin-looma hiilin oo shacab looma hiilin Lkn shirkado gaara ayaa loo hiiliyay oo lacagtii local-ka ahayd amma xawilaada ayaa cid kale qiil loo baadhayaa,Maxaa talesom dhakada ka saaray kaligeed sixir bararka,Digital money Or electronic money, waa wax aduunka ka jira oo shaqeeya,balse waxa loo baahnaa in bangiga dhexe keeno,MONETARY POLECY,u ku mamulo

lacagta waddanka dhamman Kuna xakamayn karo Sarrifka lacagaha qalaad,iyo wax kasta oo lacagta Wadanka caqabad ku noqon kara,Cilmi taani’

AllA MAHAD LEH

BY: Mohamoud Abdi jama (fiiqane)

E-mail :Mmohamoud.012@gmail.com

Tell:0634415526