Maraykan:-Trump oo ka badbaaday waji-gabax diblomaasiyadeed oo ku saabsan colaadda Yaman

0
Wednesday March 21, 2018 - 08:46:33 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykan:-Trump oo ka badbaaday waji-gabax diblomaasiyadeed oo ku saabsan colaadda Yaman

    Xildhibaannada aqalka Sanate-ka ee dalka Mareykanka ayaa hakiyay doodda qaraar mustaqbalka soo afjari lahaa kulug lahaanshaha milatari ee mareykanka ku lug leeyahay colaadda sokeeye ee dalka Yaman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada aqalka Sanate-ka ee dalka Mareykanka ayaa hakiyay doodda qaraar mustaqbalka soo afjari lahaa kulug lahaanshaha milatari ee mareykanka ku lug leeyahay colaadda sokeeye ee dalka Yaman.

Tallaabadan ayaa maamulka madaxweyne Trump ka badbaadisay waji-gabax diblomaasiyadeed maadaama dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamad Bin Salmaan uu hadda marti u yahay Aqalka cad.Xildhibaannada aqalka Sanate-ka ee dalka Mareykanka ayaa hakiyay doodda qaraar mustaqbalka soo afjari lahaa kulug lahaanshaha milatari ee mareykanka ku lug leeyahay colaadda sokeeye ee dalka Yaman.

Tallaabadan ayaa maamulka madaxweyne Trump ka badbaadisay waji-gabax diblomaasiyadeed maadaama dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamad Bin Salmaan uu hadda marti u yahay Aqalka cad.

Milatariga Mareykanka ayaa hadda taageero ka siiya xulufada uu Sucuudiga hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah fallaagada ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta Yaman, waxaana aad looga walaacsan yahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaraya shacabka Yaman.

Ragga mooshinkan soo abaabulay waxaa ka mid ah Bernie Sanders oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga, waxa uuna BBC u sheegay in uu doonayo in Mareykanka uu joojiyo faragelinta milatari ee uu ku hayo Yaman isla markaana la soo afjaro colaadda sokeeye ee galaafatay nolasha kumannaan qof oo rayid ah.

kal hore madaxweyne Trump ayaa arrinta hubka niyuukleerka Iiraan iyo xasaradda ka taagan dalka Yaman waxa uu kala hadlay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana Trump uu sheegay in Sucuudiga uu yahay saaxibka ugu weyn ee Mareykanka.