Somalia:-Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka oo u yeeray inay soo xaroodaan Xildhibaanada Dibada ku maqan.

0
Thursday March 22, 2018 - 07:46:58 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka oo u yeeray inay soo xaroodaan Xildhibaanada Dibada ku maqan.

    Somalia:-Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka oo u yeeray inay soo xaroodaan Xildhibaanada Dibada ku maqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:-Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka oo u yeeray inay soo xaroodaan Xildhibaanada Dibada ku maqan.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa ugu yeeray Xildhibaanada fasaxa ku maqan iyo kuwa dibadda jooga inay soo xaadiraan.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul qaran.


"Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel soke kuwa joogaba si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka.

"Xildhibaanada Feker waa ku kala duwanaan karaan, laakiin waa in la ilaaliyaa sharafta iyo karaamada Golaha Shacabka.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Somaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya, mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka.