Hargaysa:-Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Hadlay In Somaliland Xidhiidhka U Jarayso Hay’addaha Qaramada Midoobay

0
Thursday March 29, 2018 - 18:26:49 in by salman abdi
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Hadlay In Somaliland Xidhiidhka U Jarayso Hay’addaha Qaramada Midoobay

    Maalmihii la soo dhaafay ayay warbaahintu qortay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wado qorshe uu dalka kaga eryayo dhammaan hay'addaha Qaramada Midoobay iyada oo sababta lagu sheegay in aanu la dhacsanayn wax qabadkooda, sidoo kalena saluugsan ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii la soo dhaafay ayay warbaahintu qortay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wado qorshe uu dalka kaga eryayo dhammaan hay'addaha Qaramada Midoobay iyada oo sababta lagu sheegay in aanu la dhacsanayn wax qabadkooda, sidoo kalena saluugsan yahay sida wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ula macaamilo Somaliland.

Hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa arrintaasi beeniyay "Wax madmadow ah soo kala dhex galay Somaliland iyo hay’addaha jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ma jiraan. Waxa jirtay in maalin dhawayd warbaahinta lagu qoray in madaxweynuhu u saaray guddi arrinta ka soo talo bixin doonta oo ay Somaliland doonayso in ay waddanka ka saarto hay’addaha Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, arrinkaas wax allaale wax ka jira ma jiraan sal iyo raad toona ma leh. Somaliland cilaaqaad wanaagsan bay la leedahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa oo way soo dhawaynaysa ciddii aan sharcigeeda ku xad gudbayn,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

 

Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in ay dhawaan jawaab ka bixin doonan tallaabada Soomaaliya ku dhaqaaqday ee ah in shalay shaqaalaha maamula hawada Somalia iyo Somaliland la geeyay Muqdisho "Somaliland hawadeeda, baddeeda iyo dhulkeeda midna lalama wareegi karo, wax lala wareegi kara ma jirto. Somaliland baa ka talisa hawadeeda, arrintaasina waxay ahayd waxyaabihii aanu kaga wada hadalnay wada hadalladii taxanaha ahaa ilaa 2012, wax badan ayaanu isla soo qaadnay waxyaabana waanu ka heshiinay, heshiisyadii way ka baxeen wixii ficil ah ee aanu ka celin doono dhawaan ba la maqli doona,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Somaliland sii wadayso heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, islamarkaana aanay wax saamayn ah ku lahayn dacwadda Soomaaliya Salaasadii ka sheegtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.