Maanta Beled Xaawo Ayaa Tagtay, Berina Kismaayo Ayaa Xigi Doonta

0
Friday March 30, 2018 - 10:57:42 in by salman abdi
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Beled Xaawo Ayaa Tagtay, Berina Kismaayo Ayaa Xigi Doonta

    xukuumaddii Madaxweyne xasan Sheekhna ay dacwad caalami ah ka furteen, waxaanay Keenyaanku rabaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xukuumaddii Madaxweyne xasan Sheekhna ay dacwad caalami ah ka furteen, waxaanay Keenyaanku rabaan


 

 

 

Arinta layaabka lihi waxay tahay in shacabkii reer Buulo-Xaawo ay ilaa iyo hadda yihiin kuwa arintan ka hadlaya, ee ka doodaya, isla markaana hortaagan Kenyaanka Derbiga wada, halka Keenyaankuna ay hawshoodii iska wataan, tan cakiskeeda waxaan lahayn meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen kuwii dawladda federaalka ah ku magacawnaa, ee Mowshinkii DP world sheeganayay wadaniyiinta libaaxyada ah, balse, maanta oo xadkii Kenya lahayd 1000 mitir loo soo raray Gudaha Soomaaliya waxay u muuqdaan dawacooyin qoyay, oo xataa ka baaqday inay weedh ku xoojiyaan shacabka reer Beled xaawo ee dawlad li’idu hayso. Waxaa kaloo isweydiin leh, aaway kuwii lahaa Golaha Shacabka Soomaaliya ayaanu nahay, ee wiig ka hor qaylinayay, Maxaad wax uga odhan weydeen waxa Beled xaawo ka dhacaya, illeyn waa idinkii Berberaba ka hadlayay, mise haddaad Kenyaanka idin ilaaliya aragtaan xaalkiinu waa barriga dhexe. Gunaanadkii, waxaan idin kula talin lahaa inaanay dawladnimadda aad sheeganaysaas noqon mid ku filan in lagu xasaradeeyo arimaha horumarka ah ee Geyiga Soomaaliyeed ka socda meesha uu doono ha noqdee, ee waa inay noqotaa mid aad ku difaacdaan danaha dadka Soomaaliyeed iyo maslaxadooda, haddii kale, ka mid noqda shacabka oo ha sheeganina magac dawladnimo, waxaanad ogaataan in sida ay shacabku ugu iimaan qabi doonaana magaca dawladeed ee aad sheeganaysaan ay ku xidhnaan doonto hadba sidaad uga jawaabtaan derbiga ay Kenya ku dhacayso Xuduuda dhulka Soomaaliyeed, waxaana muuqata bilowga liicitaankii Nidaamka maamul ee Farmaajo iyo Kheyre ee rafadka ku jira.
Gebigabadii, xaalka Soomaalidu kama foga sheekadii sadexdii Debi (ee midna cadaa, midna madoobaa, midna guduudnaa) iyo libaaxa dhexmartay, ee uu marba mid cunnay isagoo labada kale uu muujinaya inuu saaxiib la yahay, ilaa uu kii ugu danbeeyay ku yidhi maanta waa maalintii lagu cuni lahaa ee diyaar noqo, jawaabtii uu bixiyay dibigii hadhayna ay noqotay: MAANTA IMAAD CUNIN EE WAXAAD I CUNTAY MAALINTAAD DEBIGII CADDAA CUNTAY, sidaas darteed, waxaan shacabka Soomaaliyeed maalkastoo uu joogo uga baaqayaa in Af, Addin, iyo Aduunyaba la garab istaago Shacabka reer Beled Xaawo, haddii kale, maalinba meel kale ayaa xigi doonto, xaalkuna wuxuu noqon doonaa in midkastaaba yidhaahdo amba markaygii layma soo gurman, ee maxaa iga galay kan maanta la cunayo, ilaa aynu sidaas aakhirka kuwa god-galno.
Wa Bilaahi Towfiiq
Qalinkii; Hussein-lucky M. Mohamoud, Burco.
Email,[emailprotected]